Wasiiro ka tirsan xukuumada fadaraalka ee Somaliya hanta dhowrka iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka xubno ka mid ah hey.adaha qaramada midoobey safiirka dalka mareykanka Mr yamamooto iyo xubno matalayey beesha caalmka bulshada raiyidka ayaa ka qeybgalay shirka maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqa oo lagu qabtay magaalada Muqdisho
Hanta dhowraha guud ee qaranka Maxamed Cali Afgooye oo kuilanka ka hadlay ayaa sheegay in arinta mujsuqa loo xirxiray shaqsiyaad halka kuwa kalana ay shaqadoodii ku waayeen
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir oo madasha ka hadlay ayaa waxaa uu xusay in uusan aaminsaneyn aragtida ah in Somaliya ay kaalimaha hore kaga jirto dalalka ugu musuqmaasuqa badan dunida arigtidaas ayuu sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga hortago qof kastana masuuliyadiisa uu qaato
Safiirka dalka mareykanka u fadhiya somaliya Ambaasadoor donal yamomaato ayaa sheegay in loo baahan yahay la dagaalanka musuqmaasuqa ee ay dowladu wado si wanaagsan oo sharci iyo cadaymo sharci ah lagu saleeyo
Ugu danbeyntii wasiirka wasaarada cadaalada abuukaate Xasan xusen Xaaji iyo wakiilka UND P ee somaliya u qabilsan ayaa kala saxiixday heshiis quseeya qorshaha fulinta la dagaalnka musuq maasuqa