Siyaasi cabdiraxmaan cabdishakuur Warsame oo in mudo ah dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa dib ugu sdoo laabtay dalka
Waxaana magaalada Muqdisho ku so dhaweeyey Xildhibaano ka tirsan barelamaanka madaxda Xisbiyada qaarkood boqolaal dadweyne oo iskuugu so obaxay goob loo diyaariyey in siyaasigu uu kula hadlo xildhibaan faarax Cabduqaadir xildhibaan Axmed Macalin fiqi ayaa ka hadlay soo dhaweyntiisa
Xildhibaan khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ahaa xildhibaanadii Muqdisho ku soo dhaweeyey hogaamiyaha xisdbiga wada jir Cabduraxmaan Cabdishakuur warsame ayaa sheegay in gudoomiye mursal gurigiisa uu ku yahay xabsi guri xildhibaanadana loo diiday in madaxtooyada dalka ay tagaan
Cabduraxmaan Cabdishakuur warsame hogaamiyaha xisbiga wada jir ayaa ka hadlay soo dhaweynta loo sameeyey
Imaashiyaha hogaamiyaahaan oo aan la dhacsaneyn habmaamulka dowladaan ayaa ku soo aaday xili dalku uu wajahayo jahwareer siyaasadeed oo cusub maadaama xildhibaano ka badan 94 gudbiyeen mooshin ka dhac ah madaxweyne farmaajo gudoonka golaha shacabkana ay isku maandhaafeen aqbalaadiisa