Home Afsomali Xabsigii godka Jilacow oo loo xirey sidii jeel ogaadeen

Xabsigii godka Jilacow oo loo xirey sidii jeel ogaadeen

Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta albaabada isugu dhufatay Xabsigii ku yaallay Godka Jilacoow ee magaalad muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo uu wehliyo Wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji oo halkaas shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in xaruntaas loo baddalay Akaademiyadda Jilacoow si tababarro ku saabsan xuquuqul insaanka  loogu siiyo shaqaalaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

‘Waxay Wasaaradda amniga garatay in meeshan xabsiga laga badalo loona badalo meel ama goob ay ku bartaan ciidamada Nabad-sugidda la dhaqanka bulshada ama xaquuqul insaanka waxaana Alla Mahadii ah in maanta ay suurta gashay, Magaca Cusub ee halkan loo bixiyay waa Xarunta Jilocoow” ayuu yir Wasiirka Amniga XFS

“Qofkii hadda kadib la xiro waxaa laga raadin karaa saldhigyada Booliiska iyo Xabsiga dhexe, sidoo kale Nabad-sugidda waxay xaq u leeyihiin qofkay soo qabtaan 48 ku heystaan baarista Xisbiga waxii kabadana sharciga u maraan.” ayuu raaciyay Wasiirk Amniga XFS

Tallaabadan waxay qeyb ka tahay isbadallo isdabajoog ah oo ay Wasaaraddu ku sameynayso laamaha amniga, loogana jawaabayo cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xabsigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.