Home Afsomali laba Taliye ciidan iyo askar kale oo Ku dhintay dagaalkii warmaxan...

laba Taliye ciidan iyo askar kale oo Ku dhintay dagaalkii warmaxan iyo tixsiile

Siddeed askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa oo ay ka mid ahaayeen labo sarkaal ayaa ku dhintay dagaal subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose.

 

Dadka ku dhaqan deegaannada Warmaxan iyo Tixisiile oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, waxaana labada dhinac dhaxmaray dagaal leysku adeegsaday hub culus.

Taliyihii guutada 6-aad ee ciidanka Soomaaliya ayaa Kooxda Shabaab ay ku dileen qarax ay ka beegsadeen Gaadiid ciidan ah oo uu hogaaminayay, waxaana qaraxa lagu dilay taliyaha uu ka dhacay nawaaxiga deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelada Hoose.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xassan Bakaay, waxaana uu doonayay inuu Gurmad u fidiyo ciidamo ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya oo saaka ay Shabaab ku weerareen deeganada Warmaxan iyo Tixsiile.

Cabdi Fataax Xassan Xaaji oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maaliyadda ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dilka Marxuumka.

‘’Xarrakada Al-shabaab ayaa waxaa ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada ay ku lahaayeen agagaarka deegaannada Warmaxan iyo Tixsiile ee gobolka Shabeellaha hoose, dagaalka waxaan ku weynay oo nooga dhintay saddeed ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ay ka mid ahaayeen labo sarkaal, labo xoogagga Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dilay tiro kalana waan dhaawacmay ayuu yiri ‘’ guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose.

xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay dagaalka ku dileen 22 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda tiro badanna dhaawac u geysteen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.