Laba qarax oo midkood yahay ismiidaamin ayaa ka kala dhacay inta u dhaxaysa dhismaha tiyaatarka iyo madxafka qaran halka midna u ka dhacay agagaarka taalada daljirka dahsoon ee Magaalada Muqdisho
Waxaana ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo uu ku jiro wariye cawil daahir salad askar iyo shacab kale
Goobta ay dadka ugu badani ku geeriyoodeen ayaa waxaa ay aheyd talada xaawo taako iyo inta u dhaxaysa tiyaatarka qaranka
Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay xildhibaan warsame jooday iyo Gudoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Gobolka Banaadir
Dhawacyadii iyo dhimashadii kolkii la qaaday ayaa goobta waxaa ka bilowday howlo nadaafadeed
Goobjoge ka tirsan Caamira Maanada Bulsho tv sacidi xaamud saalaim ayaa iiga waramay qaabka uu qaraxu u dhacay iyo argagaxa la soo gudboonaaday
Cabdi Casiis Goodax bare agaasimaha waaxda nadaafada ee gobolka banaadir ayaa xusay in aysan u joojinen howsha ay bulshada u hayaan qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho
Ku simaha gudoomiyaha dagmada xamar weyne Macalin Maxamed Axmed iidow Ayaa sheegay in cidii ka danbeysay maalin uu sharciga la horgeyn doono
Hay.ada nabadugida iyo sirdoonka qaranka ayaa sheegay in ay gacanka ku dhigeen ninkii hagayey qaraxyada iyo weliba darawalkii waday gaarigii labaad eek u qarxay daljirka dahsoon