Home Afsomali Guri uu dagan yahay taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka Bolice ka...

Guri uu dagan yahay taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka Bolice ka Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax oo gudihiisa uu qarax lagu aasay ka dhacay

Qarax Miino ayaa ka dhacay Guriga uu Magaalada Beledweyne uu ka degan yahay taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax.

Qaraxa ayaa ka dhacay Guriga dhexdiisa, waxaana la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu Aasay, waxaana sidoo kale guriga qaraxu ka dhacay wax ka degan Gudoomiyihii ee gobolka Hiiraan Cumar Baadiyow.

Sidda ay warbaahint u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan qaraxa ayaa dhacay xilli labadda Mas’uul ay guriga ka maqnaayeen,islamarkaana ay jireen xerada Ciidanka ee lamagalaay.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku dhintay qof dumar ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo ruux oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.