linkiga hoose ka daawo
http://webtv.un.org/watch/player/5985658876001
Statement by Mr. Nicholas Haysom, Special Representative of the Secretary-General and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaliya Nicholas Haysom ayaa warbixinta saddex biloodlaha ah ee xaaladda Soomaaliya ka jeediyay fadhigii golaha ammaanka ee Q/Midoobay goor dhoweyd oo maanta ah 3 Janaayo 2019.
Wakiilka ayaa xusay horumarka ay dhinaca maaliyadda ka gaartay dowladda Somalia iyo kordhinta dakhliga gudaha, wuxuuse sheegay in siyaasad ahaan ay xaaladu cakiran tahay, iyadoo dhinaca hirgelinta federaalka caqabado heystaan, ayna weli taagan tahay xaaladii u dhaxeysaay dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.
Nicholas Haysom ayaa sheegay in sharciga doorashada uu fure u yahay sida doorasho xaq iyo xor ah uga dhacdo Soomaaliya, wuxuuna soo qaaday qalalaasihii ka dhashay doorashada Maamulka K/Galbeed oo ay hareeyeen qalalaase iyo shaki markii la xiray mid ka mida musharixiinta.
Wakiilk xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay soona hadal qaadin khudbadiisa go’aankii ay dowladda Somalia ka qaadatay ee ay dalka uga eriday.