Home Afsomali Full VIDEO Deg deg Xukuumada Somaliland oo laga dalbaday in ay...

Full VIDEO Deg deg Xukuumada Somaliland oo laga dalbaday in ay sii deyso Milkiilaha Astaan TV

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka Siyaasiyiin ganacsato ururada bulshada rayidka waxgarad kale iyo  ehelada Cabdimanaan oo kulan ay Muqdisho ku yeesheen ka soo saaray Baaq iyo cabasho ku aadan xariga iyo  jirdilka heyregysa loogu geystay Milkiilaha Astaan TV

waxayna sheegeen in ay ka xun yihiin xariga loo gyestay iyo weliba qaabka loola dhaqmay mudada bisha ka badan ee  ay ku tilmaameen wax lala yaabo

waxayna ugu baaqeen madaxweynaha iyo iyo hogaamiyayaasha xisbiyada qaran in ay gacan ka geystaan sidii xornimadiisa uu dib ugu heli lahaa

kulanka intii uu socday xubnihii ka hadlay ayaa si isku mid ah uga dareen celiyey xariga hargeysa loogu geystay Cabdimanaan Yuusuf maxamed oo ah milkiilaha iyo aasaasaha Astaan tv ee magaalada hargeysa oo halkaa mudo ku xiran waxaana xusid mudan in ilaa 3 jeer maxkamada la geeyey in kasta oo aan loo helin danbi lagu soo oogay

sidoo kale waxay hogaanka iyo Xukuumada Somaliland ugu baaqeen in si deg deg ah loo sii daayo dhibane Cabdimanaan Yuusuf maxamed oo ah milkiilaha iyo aasaasaha Astaan tv ee magaalada hargeysa

Previous articleOGAYSIINTA LAHAANSHA CALAAMADA GANACSI(Gudaha Xuduuda Dalka Somaliya)
Next articleSomaliland government demands release of Astan TV owner

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.