Home Afsomali Dab hadda ka kacay suuqa weyn ee bakaaro

Dab hadda ka kacay suuqa weyn ee bakaaro

Sida wararka aan ka haleyno suuqa bakaaraha  oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaro ayaa sheegaya in dab uu qabsaday goor dhaw oo caawa ah.

Waxaa cirka qabsaday Qaac iyo olol laga arki karo meelo badan oo Muqdisho kamid ah waxaana sdioo kale la maqlayaa dhawaqa risaasta oo dhanka Bakaraha ka dhacayso, waxa ayna u badantahay in lagu kala eryayo dadka.

Dad ku dhaw suuqa Bakaaraha kana mid ah ganacsatada hantida kaga jirto suuqaasi aya inoo sheegay in qeybta Huudheyda iyo qeybta Maacuunta ay u badantahay in dabkaasi uu ka kacay, lamana ogaan karo xaalada rasmiga ah ee caawa ka taagan Bakaaraha.

Dadweyne badan ayaa la arkayaa kuwaasi oo ku baxay goobahooda ganacsiga si ay kaga badbaadsadaan hantidooda inta uusan dabka gaarin.

Gurmad xoogan oo la doonayo in daba lagu joojiyo ayaa hadda socdo, waana markii afaraad oo dab sidaan u xoogan uu suuqa ka kaco labadii sano ee lasoo dhaafay.

Qorshe la’aan ka hortaga Dabka ayaa kordhin kara dababka magaalad ka kaca

Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay balse waxaa kusii socda Bakaaraha gaadiidka dab damiska.

qaybo ka mida Suuqa Bakaaraha Ayaa Gubanaya gaar ahaan dhanka Maacuunta waxaana Jira qasaaro maal iyo mid Nafeedba dad dhaawac ah ayaa laga soo bixinayaa meelaha dabku ka kacay sida uu ii cadeeyey fuaad warsame oo intake Ku daray Waxa dabka ka howl galay shaqaalaha iyo damdamiska hormuud telecom iyo shirkada dhismaha buruu constraction company oo keenay baalooyin iyo booyado biyo ah mana ahan marki ugu horaysay ay shirkada hormuud ay damiso dab ka kaca magalada iyo suuqyada muqdisho

Sarkaal sare fuaad warsame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.