Home Afsomali Maamulka puntland oo joojiyey daabacaadii shilin somaliga

Maamulka puntland oo joojiyey daabacaadii shilin somaliga

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu la wareegay xilka madaxweynaha Puntland kadib wuxuu soo saaray qoraal uu ku mamnuucayo daabacaada lacagta Shilling Soomaaliga.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay inaan Puntland gabi ahaanba lagu daabici karin lacagĀ  Shilin Somali ah.

Wasaarada Maaliyadda iyo taliska ciidamada booliska Puntland ayaa lagu wargeliyay inay dhaqan geliyaan ka hor taga daabacaada lacagta Shilin Soomaaliga ee sharci darada aheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.