Home Afsomali Madaxweyne farmaajo oo beydhabo lagu soo dhaweeyey

Madaxweyne farmaajo oo beydhabo lagu soo dhaweeyey

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo,si ay uga qeybgalaan Caleema saarka Madaxweyaha K/Galbeed.

Waxaa ku so dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladaasi Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada magaaladaasi.

Wafdiga ayaa loo galbiyay goobta ay ka dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan Laftagareen,halkaasi oo ay ku sugan yihiin guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyo madax kale.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,inta ay socoto munaasabadda caleema saarka,iyadoo la arkayay ciidamada amniga dowladda oo ku guda jira gudashada waajibaadkoodi oo la xiriira xaqiijinta amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.