Home Afsomali Madaxweynaha Puntland oo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxweynaha DFS, iyo Madaxda ...

Madaxweynaha Puntland oo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxweynaha DFS, iyo Madaxda Maamullada Dalka


Madaxweynaha Puntland oo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxweynaha DFS, iyo Madaxda
Maamullada Dalka

Madaxweynaha Maamul Goboleydka Soomaaliyeed ee  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku marti qaaday guriga madaxtooyada ee Maamulkaas Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowaddaha Xubnaha Ka ah Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale .

 

Munaasibadaan oo aheyd Casha sharfeed uu sameeyey Madaxweyne dani ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha  Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka  Soomaaliya, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geedi,

saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland kuwo hore iyo kuwa haatan xilalka ka haaya , siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

 

Munaasibadda casho sharafta ah ayaa ahayd mid lagu maamuusayey Madaxda Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee

dowladda Puntland, munaasibaddan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa fanaaniin

caana oo qaaday heeso wadani ah iyo kuwo ay ugu talagaleem Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni ayaa  bulshda iyo Madaxda  kasoo qayb galay casho sharafta u gacan qaaday mid mid waxaana uu ugu tegey shakhsi kasta goobta uu ka fadhiyo Madasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.