Mooto Bajajle sidii uu suuqa u soo galay gaari gacanley waa ka fadhidaa suuqna ma heystaan oo waxay isku qaadaa dadkii iyo Agabkii loo qaadi lahaa labadaba
Inta badan waxa suuqa ka shaqeystaa waa mootaley reer gaari gacan waa iska fadhiyaan oo shaqa la.aan ayaa soo foodsaartay sida uu ku waramayo caato oo ka mid ah xoogsatada gariyada riixa oo sheegay in suuq xumada la soo daristay ay u dheertaya qarash iyo biil l.aan
Wuxuu sheegay in ay dhaqaale fiican gaari gacanka ku shaqeysan jireen ka hor inta aanay suuqa ka saarin tugtuga ama mooto bajaajta oo uu sheegay in uusan awood u lehayn iibsigeeda balse ay suuqa ku ciriirisay isagu uu haatan shaqa la,aan uu ka dhaxlay mootooyinka 3da lugoodlayaasha ah
Odaygaan ayaa sheegay in qiimo jabka ay la kulmeen u dheer tahay shaqo la.aan baxsan oo ay biday mootadu si sahal ahna ugala wareegtay macaamiishii uu 20 sano sano alaabada u qaadi jiray oo haatan u wareegay la macaamilka mootaleyda
Caato “ilaa balaatan sano ayaa gaari gacanle ahaa waxaana taagan nahay xiligii ugu xumaa oo waxaa iskuugu keyna darsoomay shaqo la.aan iyo qarash la.aan “
Caato “gaari gacanka waan soo kireysta horey waan uu lahaa laakiinse hada midka aan ku shaqeysto waa kiro wixii ka soo baxaya gari aan ku iibsado iska daaye caruurta iyo qoyskeyga kuma filna “
Caato wuxuu sheegay in uusan alaabada uu ka qaado xaafadaha qaarkood uusan geyn Karin ilaa suuqa xoolaha iyo meelo kale oo sidaa u fog fog uuna ka shaqeysto dagmooyinka xamar weyne waaberi boondheere ilaa xamar jajab
Gaari gacanku waa shaqada ugu dhibka badan ee ruux ka shaqeeyo mana aha aalad kaligeed socon karto ilaa xoog iyo muruq la galiye mooyee