Home Afsomali Mayow waan sii wadayaa in aan cabo shiidaalka Naftada Qaadkana aan ku...

Mayow waan sii wadayaa in aan cabo shiidaalka Naftada Qaadkana aan ku Cuno Basbaas tuun limo dhanaan xawaaji iyo shidni inta aan ka helayo shaqo kkkk

Mayow Cali Ibraahin waa mid ka mid ah muqayiliinta Magaalada Muqdisho sida Joogtada ah qaadka ugu cunayey 30kii sano ee la soo dhaafay .

Wuxuuna kaga duwan yahay qaad cunayaasha kala in uu cunida qaadka u isticmaalo Qudaar kala duwan iyo cabida shidaalka naftada

Mayo oo aan kula kulmay Magaalada Muqdisho ayaa iiga sheekeeyey Cunida qaadka iyo sida ay isaga ugu baxdo in uu u qayilo iyo waxa yaabaha ku dhaliyey oo dad badani la yaaban yihiin .

Si aan arintaa u xaqiino bulshadana ula wadaagno  ayaan camirada la daba galnay xili uu suuqa ka iibsanayey qaadka wuxuuna sidoo kale iibsaday in ka yar nus liter nafto ah qarfe iyo Heyl Joos  lagu daray Shidni u ka sameeyey basbaas ceriin  ah.

Mayow Cali Ibraahin ayaa ugu danbeyntii Na geeyey Goobta uu kuga  marqaamo magaalada Muqdisho  wuxuuna u dhacay wareysigii aan kula yeeshay sidaan .

Muqayilka ayaa ii sheegay in ay u qorsheysan yahay in uu qaadka iyo Shiidalka uu cbo joojinayo haduu helo shaqo ku filan

Dadka kale ma helaan marqaan ku filan sidayda ooa kale waxaana ku boorinayaa in ay sidayda oo kale qooshataan qudaartaan kuna darsadaan naftada si ay u helaan mirqaan ku filan

Marqankaan  ayaa Noqonaya mid dadban xili dalka oo dhan ayaa ku sii fidiyaan arimo dad ban

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.