https://youtu.be/txSd7jE3m-k
Kulan ay iskuugun yimadeen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale Taliyaha Bolice Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Bashiir Ameriko iyo Xubno ka tirsan saraakiisha Talisyada Ciidamada amaanka ayaa looga hadlay dil qorsheysan oo lagu laayey qaar ka mid ah dad shacab ahaa xili ay ku guda jireen falida geedaha iyo howlo kale oo Nadaafadeed deeganka Xaawo Cabdi KM 20 ee gobolka Sh\hoose
Ujeedka kulanka ayaa ahaa in ciidanku baaraan Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ee ka dhashay toogasho ay dablay hubeysan ka geysatay wadada isku xirta dagmada afgooye iyo magaalada Muqdisho wixii ku soo kordhay cida cidii ka danbeysay iyo dadka la dilay kuwii ay ahaayeen iyo waxa la gudboon laamaha amaanka
Kulanka oo ay saxaafadu dibad joog ka aheyd ayaa dood dheer xog uruurin iyo falanqeyn ka dib waxaa saxaafada saq dhexe kula hadlay gudaha xarunta C.I.da Taliyaha hogaanka canshuuraha bariga ee Ciidanka Bolice ka janaraal Cabdulaahi Xasan Bariise wuxuuna sheegay in ay ka go.an tahay in cadaalada ka horgeeyo cidii ka danbaysay
Dhacdadaan loo geystay dadka shacabka ah ayay ka argagaxeen dadka ku dhaqan deegaanka Xaawa Cabdi waxaana ku dhintey ilaa 9 ruux oo intoda badan haween ahaayeen