Home Afsomali Dhageyso digniin Jubbalaan ma ogolaaneyso Musharax Istaaf Qaas ah wato

Dhageyso digniin Jubbalaan ma ogolaaneyso Musharax Istaaf Qaas ah wato

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Shir ku yeeshay Golaha amniga dowlad Goboleedka Jubbaland,iyagoona soo saaray qodobo laamaha amniga ee Jubbaland lagu farayo sugidda Amaanka deegaanadaas.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Musharaxiinta dooneysa in ay ka qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha la filaayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka Jubbaland uga digtay in ay abuuraan waxkasta oo khalkhal amni horseedi kara.

Jubbaland ayaa cadeysey in Musharax kasta Amnigiisa ay sugayaan Ciidamada amaanka Jubbaland,isla markaana aan  lana ogolaan doonin in musharaxiinta ilaalo gaar ah ay sameystaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta uga warbixiyay qodobada ka soo baxay Shirkii Magaalada Kismaayo ay ku yeesheen  Golaha amniga Jubbaland.

Hoos ka Dhageyso digniinta

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.