Wararka naga soo gaaraya degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay isku dileen labo wiil oo walaalo ah.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Abuukar Maxamed oo 30 sano jir ah uu toorey ku dilay Walaalkiis ay isku hooyo yihiin oo 24 Sano jir ah.
Dilka ayaa yimid ka dib markii labada Wiil uu soo gala dhex galay Muran.
iidamada Booliska ayaa halkaasi tagay, waxaana ay soo qabteen ninkii dilka geystay Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Dhacdadaan ayaa waxaa aad uga naxay dadka degaanka.
Waa Dhacdo xanuun badan oo laga argagaxo falkii uu Wiil caasi ah ku dilay Hooyadiisa oo da’ ahayd.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalladda Alesenkandariya ee dalka Masar, waxayna Dhimashadda Marxuumadda ayaa timid, kadib, markii uu Wiil ay dhashay uu si xun u garaacay.
Marxuumadda sababsatay gacanta wiilkeeda waxaa lagu magacaabi jirey Saynab Al-sayid Maxfuud.
Warbaahinta dalkaasi ayaa qortay in uu hooyadaasi uu wiilkeeda garaacay ilaa ay ka miyir doorsoonto, wuxuuna falkaasi u sameeyey si uu u qanciyo Xaaskiisa oo la sheegay inay ku dirtay, kadib markii ay ka cabatay Hooyadiisa.
Ninka caasiga oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay markii ay hooyadiisa miyir beeshay inay isaga iyo xaaskiisa u qado doonteen Baar ku yaallo meel aan ka fogeyn gurigooda.
Dhiigga ka qulqulayey Marxuumadda waxa uu gaaray bannaanka qolkii lagu jir-dilay, waxaana u soo gurmaday dadka deriska, kuwaasi oo jebiyey qolkii lagu xiray Marxuumadda.
Waxay ula carareen Isbitaalka, balse waxay u geeriyootay dhaawacyadii uu Wiilkeeda gaarsiiyey.
Markii ay Wiilkii iyo Xaaskiisa ogaadeen wixii dhacay ayey isku dayeen inay baxsadaan, balse, Ciiddanka Ammaanka ayaa ku guuleystay inay xiraan wiilkii geystay dembigaas.
Dhacdadaasi laga argagaxo waxay saamayn ku yeelatay dadka Masaarida oo iyagu Dhacdadaasi ku wadaagayo Baraha Bulshadda.
Waxay codsadeen inay Cadaalad hesho Hooyo Saynab Al-sayid Maxfuud, waxayna ugu baaqeen Qareenadda inaysan difaacin wiilkeeda arxan-laawaha ah, kana abaal dhacay Abaalkii Hooyanimo
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view