Home Afsomali RW Abii Axmed ayaa adis ku soo dhaweeyey Madaxweynaha barakeysan ee Faraamjo

RW Abii Axmed ayaa adis ku soo dhaweeyey Madaxweynaha barakeysan ee Faraamjo

 

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa si heer sare ah waxaa goordhaw loogu soo dhaweeyay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo xubnaha la socda waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Adis Ababa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan kulan gaar ah la qaato Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, waxa ayna labada dhinac kawada hadli doonaan arimo xasaasi ah oo xiligan taagan.

Kulanka ay yeelanayaan labada masuul ayaa diirada lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka geeska Afrika, waxaa sidoo kale la filayaa in Abiy kala hadlo Farmaajo xiisada Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.