Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu dilay dadka Muslimiinta ee ka dhacay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.
Weerarkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 ruux oo muslimiin ahaa oo ku sugnaa masjidka Al Nuur ee magaalada Christchurch waxaana ku dhaawacmay inka badan 40 ruux oo ku sugna Masaajidka.
Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ugu horeyn sheegay inay ka tacsiyeynayaan dadka weerarka ku dhintay, isagoo sheegay inay la xanuunsanayaan ehelada dadka waxyeelada soo gaartay.
Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhigan yahay dhagarta Gaalada ay u qabaan shacabka Muslimiinta ah, waxaana uu sheegay in taasi aysan ka dhigneyn inay niyad jabaan Muslimiinta.
“Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” ayuu yiri Sheekh Cali dheere Afhayeenka Al-Shabaab.
“Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwa falkaas geystay gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” ayuu yiri Sheekh Cali dheere Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab.
Muslimiinta ku nool wadamada Reer galbeedka ayuu Sheekh Cali dheere ugu baaqay iney fahmaan waaqica ka jira caalamka, ayna wax ku dhistaan, isagoona ku waaniyay in aaney ku kedsoomin hadallada ay jeediyaan madaxda iyo siyaasiyiinta Reer-galbeedka ee ku aadan wada noolaansha iyo xorriyada diimaha.
Dhiiga shuhadada Muslimiinta ee lagu daadiyey masaajidada New Zealand meel cidlo ah kuma dhibci doono, rag u aarguda ayeyna heli doonaan ha dhowaa ama ha dheeraato, waana lagu xisaabtami doonaa” ayuu intaas raaciyey Shiikh Cali dheere.
Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka geystaan dalalka Soomaaliya Kenya iyo Uganda, waxaana ka hor jeedaan joogitaanka ciidamada anaajiibta ee dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.