Home Afsomali Musharax nimo dadban oo Muqdisho lagu arkay iyo Boorar ane waa ikaas...

Musharax nimo dadban oo Muqdisho lagu arkay iyo Boorar ane waa ikaas ah

Ama waa la idooran ama daadku iqaad 

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhaya boorarka ay wadooyinka hareeraheeda suranayaan Siyaasiyiin iyo xubno kale oo sheegaya in ay yihiin Musharaxiin u taagan tartanka Madaxweynaha Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Musharaxiinta ah ee qaarkood surtay boorarka wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa la ogaaday in aysan daacad ka aheyn Musharaxnimadooda balse ay ku doonayaan in ay noqdana kuwa caan ah oo ay dadku bartaan.

Waxaa sidoo kale jira xubno aan siyaasada horey ugu jirin iyo ganacsato iyana doonaya in Musharaxnimada iyo boorarka ay wadooyinka ku dhagsadeen kusoo galaan Siyaasada si ay xil uga heleyn Musharaxiinta kale ee laga yaabo in midkood uu guuleesto.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu dhajiyay boorar badan ay ku dhagan yihiin Sawirada Musharaxiinta Madxaweyne iyo halku dhigyo u badan kuwa isku mid ah, waxaana Musharaxiintan boorarka loo dhajiyo lacago badan uga qaata xubno ugu magacaaban ololaha.

Dad siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Musharaxiinta rasmiga ah ee u tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay yihiin kuwa aad u kooban, balse Musharaxiin badan ujeedkoodu yahay kaliya in ay kusoo caan baxaan ama xilal kale ay ku raadsadaan.

Musharaxiinta Boorarka surtay Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa ku dhaw ilaa 20-Musharax, waxaana Musharaxiinta qaarkood ay surteed boorar aad u yar yar halka kuwa kalana ay surteen boorar waa weyn oo ay dadku wadi arki karaan.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.