Home Afsomali Warbixinta rasmiga ah (Muqdisho-Soomaaliya)

Warbixinta rasmiga ah (Muqdisho-Soomaaliya)

Warbixinta rasmiga ah (Muqdisho-Soomaaliya) 2

(Muqdisho – Febarayo 2, 2023)…Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay xaflad lagu daahfuraayo
Madasha Diirad, oo ah Madal bulsho oo qabaneysa doodaha ku saabsan nabadda, horumarinta
deegaanka, Dhallinyarada, arimaha bulshada,Teknolojiyada, ICT-da, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Daahfurka Madasha waxaa ka soo qeybgalay madaxda qaar ka mid ah Jaamacadaha,Ururada bulshada
rayidka, Aqoonyahano, bahda Saxaafada, iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Madasha Diirad Mudane C/raxman Maxamed Cali ‘Diini’ ayaa u mahadceliyey
dhammaan marti sharafta ka soo qeybgashay xafladda daahfurka…”Sharaf ayee ii tahay in maanta aan
daahfurno madasha Diiraad, waqti, maskax iyo aqoon ayaa lagaliyey, waxaana rabnaa in madasha
ay soo kordhiso doodo waxtar u leh bulshada”…ayuu yiri Guddoomiye Abdirahman Diini.
Shaafici Macalin Ibrahim Cabdi oo katirsan Maamulka Jaamacadda Muqdisho ayaa soo dhaweeyey
daahfurka madasha Diirad, waxa uu sheegay in xilligii loo baahnaa ay timid madashaan.
Eng Mukhtar Harun Osman oo ka mid ah bahda aqoonyahanada ayaa dhankiisa sheegay in dadaalka lagu
bixiyey aasaaska madashaan ay tahay mid mudan in laga faa’iideysato barnaamijyada ay bilaabeyso si
kor loogu qaado doodaha aan weli si dhab ah miiska loo soo saarin.
Si loo helo xog dhameystiran doodaha madasha diirad qabato waxaa laga soo saarayaa warbixino sugan,
iyadoona la aruurinaayo aragtiga iyo talooyinka soo baxa si loo baahiyo loona kaydiyo, waxaana
madasha halku dhig u ah “Adoon didin amaan dagaalin dawrkaaga qaado”

Previous articleSoomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay waddamada ugu musuq maasuqa badan sanadkii 2022
Next articleXadka Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo furayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.