Home Afsomali Musharax madaxweyne Cumar Cabdirashiid oo dowlada Imaaraatku Muqdisho uga qaaday Diyaarad qaas...

Musharax madaxweyne Cumar Cabdirashiid oo dowlada Imaaraatku Muqdisho uga qaaday Diyaarad qaas ah waa maxaay sababatu

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali ayaa saakay diyaarad qaas ah ay soo dirtay Dowlada Imaaraatka Carabta waxa uu ka raacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ujeedka safraka uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ugu duulay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta ayaan wali la shaacin, hasa ahaatee waxa ay arintan daba socotaa ololaha doorasho uu wado Ra’isul Wasaraha uuna doonayo in uu garab uga helo Dowlada Imaaraatka Carabta.

Warar horey usoo baxay ayaa sheegayay in Dowlada Imaaraatka Carabta ay ku taageereyso R’aisul Wasaaraha Soomaaliya sidii uu Madaxweyne uga noqon lahaa Soomaaliya, waxa ayna Imaaraatka Qorshahaasi ka dhaa dhicisay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.

Dowlada Imaaraatka ayaa waday qorshe ay uga soo horjeedo in mar kale talada dalka uu kusoo laabto Madaxweynaha Soomaaliya , waxa ayna taa badalkeeda Imaaraatka gadaal ka riixeysay qorshe Beesha Hawiye looga wareejinayo kursiga yaala Madaxtooyada Somaaliya.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Dowlada Imaarataka ay hada isku soo dhawaadeen, waxaana la xaliyay sida aan wararka ku heleyno arimo badan oo la isku diidanaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay booqday xrunta Safaarada Imaaraatka ku leedahay magaalada Muwqdisho, waxa uuna beeniyayMadaxweynaha in uu xun yahay xariirka u dhaxeeya Dowladiisa iyo dowlada Imaaraatka Carabta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ujeedka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya looga yeeray dalka Imaaraatka carabta ay salka ku heyso isbadalka ku yimid qorsha Imaaraatka ka laheed doorashada Soomaaliya, waxaana suurto gal ah in R/Wasaaraha lagu wargaliyo in laga laabtay taageerida ololihiisa.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.