Sheekh Cali Maxamuud Raage, Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Ash-shabaabi oo waraysi gaar ah siiyay Al-Andalus, kuna hadasha afka mujaahidiinta, ayuu sheekhu kaga hadlay arimo muhiim ah iyo qodobo xasaasi ah.
Sheekh Cali wuxuu ka hadlay howlgallada ay ciidamadooda ka wadaan magaalada caasimadad ah ee Muqdisho, iyo waxa keenay iney sii laba jibaaraan maalmihii tagay.
Sheekha ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay caasimadda dalka, gumeysina ay ku heystaan Shisheeyaha, sidaas darteed ay mar weliba ugu dadaalaan ineysan noqon goob ay Shisheeyuhu ku badbaadaan.
Mar wax laga waydiyay Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Xarakada Al Shabaab goobaha ay ku beegsadaan howlgalladooda ee hotellada ah, ayuu sheegay in meelahaas ay hotello ahayn, balse hotello loogu magac daray oo keliya.
Wuxuu ku tilmaamay sheekhu iney yihiin saldhigyo milliteri iyo xarumo wasaaradeed oo ay ku shaqeeyaan xubnaha dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku daaban, isagoona is waydiiyay haddii goobahaas ay hotello yihiin waxa keenay in dhegxaan lagu jaro, ciidama baddana lagu geedaamo.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Sheekh Cali dheere, wuxuu sheegay in alshabaab ay meel weliba ku beegsan doonaan Shisheeyaha iyo dowladda federaalka, Sirdoonka uu ka war hayo dhaq-dhaqaaqa hotellada iyo dadka soo gelaya.
Waraysiga Sheekh Cali Maxamuud Raage, Sheekh Cali dheere, Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab uu siiyay idaacadda ku hadasha afka shacbaab , wuxuu kusoo hadal qaaday ka bixitaankii ciidamada Kenya ee qeybo badan oo kamid ah wilaayada islaamiga ee Gedo.
Sheekhu wuxuu sheegay in sabarka iyo adkeysiga ay muujiyeen uu sabab u ahaa inuu soo deg dego jabka ciidamada Kenyaatiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay sheikh Cali Dheere iney xaqiiq tahay in shisheeye kusoo duulay dal muslim ah uu ugu dambeyn ka baxayo wadankaas, hadiiba uu la kulmo iska caabin iyo dagaal joogta ah.