Wasaarada Boostada ,Isgaarsiinta iyo Tegnoolajiyada Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa amaro dul dhigay shirkada isgaarsiinta ka howlgala Soomaaliya oo lagu armay in ay isku furaan qadadka Telefoonada.
Qoraal ka soo baxay hay’adda isgaarsiinta qaranka ayaa lagu amray shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira Soomaaliya kuwaas oo ruqsad ka haysta Dowlada in ay isu furan khadkooda taas oo ka dhigan in shirkad walba wici karto shirkada kale.
Qoraalka ka soo baxay hay’adda isgaarsiinta qaranka ayaa u qornaa sidan “Iyada oo la dhaqan-gelinayo qodobka 49aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo iyo xeernidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) ee faraya shirkadaha isgaarsiinta inay isku furaan khadadkooda (interconnection) maadaama ay tahay dan guud oo waajib
ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa waxaa shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiineed ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka la faray in ay billaabaan hannaankii ay isugu xirmi lahaayeen.
Muddadda wada-xaajoodka oo ka bilaabanaysa 10ka Abriil 2019, kuna eg 10-ka August 2019 ayaa waxa ay Shirkadaha ka wada-xaajoon doonaan arrimaha khuseeya isku-xirka