Home Afsomali Dhaqaatiir Laga Afduubtay Magaalada Mandhera & ilaaladoodii oo la waayey halka ay...

Dhaqaatiir Laga Afduubtay Magaalada Mandhera & ilaaladoodii oo la waayey halka ay cirib iyo jaan dhigeen

Ilaa 2 Dhakhtiir u dhashay dalka Cuba ayaa laga afduubay magaalada Mandhera ee gobolka N.F.D ee dhulka Somalida ay heysato Kenya , sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliiska.

Ilaaladoodii ayaa lagu soo warramayaa in la dilay ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen dabley hubeysan.

Labadan dhakhtar ayaa qayb ka ahaa mashruuc ay dawladda Kenya dhakhaatiir ajnabi ah kaga keensatay dalka Cuba.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta la afduubtay loo tallaabiyay dhanka Soomaalya, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda afduubka balse waxaa looga shakisan yahay iney ka dambeeyeen xarakada Al-shabaab.

Booliska Kenya ayaa wada howlgalo balaaran oo lagu baadi goobayo dhaqaatiirta la afduubtay kaasoo ka socda degaanada ku teedsan xadka Somalia iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.