Home Afsomali VIDEO Madaxweyne Farmaajo Iyo Raisal Wasaare Khayre Oo Shacabka Fariin U Diray

VIDEO Madaxweyne Farmaajo Iyo Raisal Wasaare Khayre Oo Shacabka Fariin U Diray

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa kula dardaarmay in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan

“Waxaan dhammaan shacabka muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaayaa bilaawga bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idiin dhib yareeyo Ramadaanka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in bishaan uga faa’iideestaan in ay isu soo dhawaadaan, dalkana u duceeyaan, waxa uuna Allah ka rejeeyay in bishaan Barakaysan ay dhamaato dalka oo Barwaaqa ah

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.