Home Afsomali Axkaanta Qodobada soona Ansixin iyo b urin

Axkaanta Qodobada soona Ansixin iyo b urin

Axkaamta Soonka  ‐ 1 ‐  Axkaamta Soonka  ‐ 2 ‐  Hordhac Waxaa mahad iskaleh ALLAHA inoogu nimceeyay soonka bisha ramadaan, Naxariis iyo nabadgalyana nabigeenna muxammad ah (s.c.w) dushiisa ALLAAH hayeelo. Intaa kadib: waxaan ugu horayntii is xusuusinaynaa cabsida ALLE (kor ahaaye) iyo inaan ugoonni yeelno cibaadada isaga oo kali ah iyo inaan ka dheerayno shariik iyo wax cibaadada la wadaago isaga, labadan qodob waa labada uu towxiidka ka koobanyahay . Xusuusinta kadib: markii uu soonka

noqday mid kamid ah cibaadooyinka ugu waawayn iyo tiir ka mid ah shanta tiir ee islaamka, ruuxkasta oo muslim ahna ay waajib kutahay inuu barto si sax ahna ula yimaado, ayaan doonay inaan wax ka iftiimiyo qaar kamid ah axkaamtiisa iyo fadligiisa I.W.M anigoo isticmaalaya luuqadda somaaliga si ay uga faa’iidaystaan dhammaan dadka muslimiinta ah ee luuqadan ku hadla. ALLAAH wayne waxaan waydiisanayaa inuu ku anfoco ruux kasta oo akhrista ama loo akhriyo amaba dhagaysta, iigana dhigo aniga iyo ruux kasta oo sii gudbiyo mid loogu buuxiyo miisaankooda kheyraadka ee aakhiro kana dhigo mid uu ALLAAH raali kayahay Aamiin.        Axkaamta Soonka  ‐ 3 ‐  Qodobada  Waa Maxay Soon ?  Taariikhda Soonka.  Waajibnimada Soonka.  Arimaha Waajibiya Soonka.  Soonka La Iska Reebay.  Ducada Markay Bil Dhalato.  Fadliga Soonka & Aadaabta Ruuxa Sooman.  Dhacdooyinkii Bisha Ramadaan.  Shuruudaha Soonka.  Waxyaabaha Soonka Jabiya.  Arkaanta Soonka.  Sunnooyinka Soonka.  Ducada Marka La Afuro.  Ducada Ruuxa Afur Lasiiyo.  Laylatu Qadri.  Calaamadaha Laylatu Qadriga.  Zakaatul Fidriga.  Ciidul Fidriga.  Gabagabo Iyo Gunaanad. Axkaamta Soonka  ‐ 4 ‐  1. Waa Maxay Soon ? Erayga soon wuxuu leeyahay labo macno oo kala ah:  Luqo.  Isdilaax.  Luqo ahaan erayga “صـوم “macnahiisa waa kajoogsasho (ka afaysi) sida: hadalka, socodka, cabidda, cunidda, i.w.m ALLAAH wuxuu yiri: isagoo inooga waramaya maryama bintu cimraan (…فقولي إني نذرت للرحمن صوما فلن أكلم اليوم إنسيا)[مريم .[26 (…waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (eebaha) raxmaan oon u soomi oonan la hadlin maanta cidna) [maryam 26] . صـوم” Kalmadda ” ah ee ku jirta aayadda macneheeda waa Aamusitaan.  Isdilaax ahaan (macnaha sharciga dhexdiisa looga yaqaano erayga Soon) waa in laga joogsado ama la iska ilaaliyo waxyaabaha ruuxa sooman afuriya laga bilaabo waabariga illaa qorraxda ay dhacdo iyadoo soonka la niyaysan yahay. Axkaamta Soonka  ‐ 5 ‐  02. Taariikhda Soonka Sida uu ibnu kathiir tafsiirkiisa ku sheegayo soonka waa cibaado horaysay oo soo bilaabatay xiligii nabi nuux (c.s) ilaa xiligii nabigeena (s.c.w) sida uu ALLE quraanka inoogu sheegay: يأيها الذين ءامنو كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون ۝ أياما معدودات [البقرة 183[ ( Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku wajibiyay soonka sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan ◌ُ waa maalmo tirsan). Waxaa soonka la waajibiyey sanadkii labaad ee hijrada bisha shacbaan dhexdeeda. Ibnu kathiir wuxuu tafsiirkiisa ku sheegay in uu imamu Axmad yiri isagoo Mucaad binu jabal kasoo warinaya (r.c) waxaa salaadda la wareejiyey (isbad-badal ku yimid) saddex jeer, soonkana waxaa la gad-gadiyey (isbad-badal ku yimid) saddex jeer, wuxuuna sheegay isbad-badaladii ay salaadda soo martay kadib isbadbadalkii soonka wuxuu ka yiri: rasuulka (s.c.w) ayaa madiina soo galay wuxuuna gudagalay inuu bil kasta saddex bari kasoomo maalinta Caashurana uu soomo kadib Alle ayaa ku faradyeelay soonka oo ku soo dajiyey : يأيها الذين ءامنو كتب عليكم الصيام -إلى قوله تعال- وعلى الذين يطيقونه فدية طعام مسكين. ( Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku wajibiyay soonka –illa laga gaaro hadalka Alle ee ah –kuwa uu dhibina waxay bixin {quudin} miskiin). Markaa ruuxii rabana wuu soomayey ruuxii rabana miskiin ayuu quudinayey soonkana sidaa ayuu kaga gudmayey kadib Alle wuxuu soo dajiyay aayad kale: شهر رمضان الذى أنزل فيه القرءان هدىً للناس وبينات من الهدى والفرقان فمن شهد منكم الشهر فليصمه [البقرة 185[ ( Waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa quraanka, isagoo hanuun dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadilka) ee ruuxii jooga {nagi} ha soomo). [al-baqarah 185]. ) Axkaamta Soonka  ‐ 6 ‐  Allaah wuxuu soonkii bisha ramadaan ku dul sugay ruuxa fayoow ee nagi wuxuuna u rukhseeyey ruuxa musaafirka ah iyo midka buka (xanuunsan), quudintii masaakiintana wuxuu u sugay ruuxa da’da ah ee soonka awoodi Karin, taasi waa laba isbadal, sidoo kale waxay ahaayeen muslimiinta kuwo cabba oo cuna dumarkana u taga inta ayna seexanin hadayse seexdaan saddexdan arimoodba (cabbid, cunid iyo u tagida dumarkaba) mamnuuc ayey ka aheyd, kadib nin reer ansaareed kamid ah oo la dhihi jiray Sirmah ayaa shaqayn jiray isagoo sooman habeen ayaa markuu reerkiisii yimid oo salaaddii cishe uu tukaday ayuu iska seexday isagoon waxba cunin waxna cabbin ilaa uu waabariistay isagoo sooman markaa rasuulkaa (s.c.w) isagoo aad u dhibaataysan wuxuuna ku yir: ما لي أراك قد جهدت جهدا شديدا ! ( Maxaa iigu wacan oon kuu arkaa inaad rafaadday rafaad daran !) Markaa ayuu uga waramay xaaladdiisa cumarna dumarkiisii ayuu u tagay intuu seexday, kadib rasuulka ayuu u yimid kadibna u sheegay arinta, Alle ayaa soo dajiyey: أحل لكم ليلة الصيام الرفث إلى نسائكم – إلى قوله تعالى- ثم أتمو الصيام إلى اليل [البقرة 187.[ ( Waxaa laydiin banneeyey inaad habeenka soonka is aragtaan haweenka–illaa laga gaadho hadalka ALLE ee ah- dhamaystirana soonka tan iyo habeenka. ) Waa marxaladdii ugu danbaysay ee kamid ahayd marxaladihii uu soonka soomaray sidaa ayeyna waajib ku noqotay in bisha ramadaan oo idil lasoomo inta ay qorraxda soo jeedo. Waxaa la wariyey in rasuulka (s.c.w) uu soomay sagaal Soon dhamaantoodna waxay ahaayeen 29 maalmood (mid aan soddon buuxe ahayn). عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: ( ما صمنا على عهد رسول الله صلى الله عليه وسلم تسعا عشرين أكثر مما صمنا ثلاثين) [ابن ماجة]. ( Abiihurayrah (r.c) wuxuu yiri: xilligii rasuulka intaan sagaal iyo labaatan soonnay ayaa ka badnayd intaan soddon soonnay) [ibnu majah]. Axkaamta Soonka  ‐ 7 ‐  03. Caddaynta Waajibnimada Soonka Waajibnimada soonka waa mid ku sugan kitaabka quraanka ah iyo sunada nabiga (s.c.w) ummada islaamka ahna way isku wada raacsantahay. Si guud ahaaneed waajibnimada soonka wuxuu ALLE inoogu caddeeyey aayaddan hoose: يأيها الذين ءامنو كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقونً أياما معدودات… [البقرة 183-184.[ (Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku waajibiyay soonka sidii looguwaajibiyay kuwii idinka horreeyay si aad u dhawrsataan –ilaa – waa maalmo tirsan…) [albaqarah 183-184]. Gaar ahaan waajibnimada soonka bisha ramadaan Alle wuxuu inoogu sheegay aayaddan hoose : شهر رمضان الذى أنزل فيه القرءان هدىً للناس وبينات من الهدى والفرقان فمن شهد منكم الشهر فليصمه [البقرة 185.[ (Waa bisha soon ee la soo dajiyey dhexdiisa quraanka, isagoo hanuun dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga {nagi} ha soomo). [al-baqarah 185]. Wuxuu yiri Cabdullahi binu Cumar (r.c) waxaan maqlay rasuulkii Alle oo leh: (بني الإسلام على خمس: شهادة ان لا إله إلا الله، وأن محمدا عبده ورسوله، وإقام الصلاة، وإيتاء الزكاة، وحج لبيت، وصوم رمضان) [متفق عليه]. ( Islaamka waxaa lugu dul-dhisay shan korkood: Qiritaanka {laqiro} in ilaah aan ALLAAH ahayn uuna jirin Muxammadna adoonkiisii iyo rasuulkiisii yahay iyo Salaadda toosinteeda {oogiddeeda} iyo Sakada bixinteeda iyo Baytka (kacbada) ku xajintiisa iyo Soonka {bisha} ramadaan). Walaalayaal rasuulka (s.c.w) wuxuu xadiiskan saxiixa ah inoogu caddaynayaa inuu soonka yahay tiir kamid ah tiirasha shanta ah ee islaamka ku dul dhisan yahay, tiirashaasoo haddii lawaayo islaamnimada jiraynin, sababtoo ah majiro guri tiir Axkaamta Soonka  ‐ 8 ‐  la’aan taagnaan karo sidaa daraadeed ruuxii kataga soonka bisha ramadaan waa ruux dumiyay tiir kamid ah tiirashii islaamka uu kutaagnaa. 04. Arimaha Waajibiyo Soonka Bisha Ramadaan Soonka bisha ramadaan waxaa waajib kadhiga laba arimood midood :  In la arko bisha ramadaan.  In bisha shacbaan ay 30 bari u buuxsanto.  In la arko bisha ramadaan, ruuxa arkay hal ruux kaliyaba ha ahaado, ruuxa sheegashadiisa laga aqbali hadii uu sheegto inuu arkay bishii ramadaan waa ruux ah :  Muslim.  Qaangaadh.  Miyirqaba.  Caadil ah. Caadilnimada waa: ruuxa aan danbiyada waa-weynka ah ku dhicin, kuwa yar-yarka ahna aan daa’imin ama joogtaynin. Marka ay sidaa ku sugnaato arkida bisha ramadaan, waxaa arkiddaa ku soomi kara dhamaan wadamada la madlaca ah wadankaa ama magaaladaa laga arkay bisha. Ogow in aragtida bisha lugu soomo waa lagama maarmaan, haddii bisha la arki waayo oo daruur iyo wixii lamid ah ay qariyaan, meel kale oo laga arkayna la waayo waxaa waajib ah in la buuxiyo maalinta sodonaad ee bisha shacbaan. Axkaamta Soonka  ‐ 9 ‐   Waa in ay soddonka bari ee shacbaan buuxsanto, maalinta kadanbaysana waxay noqon soon shaki la’aan ah. Arintaa waxaa caddaynaya : Ibnu cumar (r.c) wuxuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Alle (s.c.w) oo dhahaya: (إذا رأيتموه فصومو، وإذا رأيتموه فأفطرو، فإن غم عليكم فاقدرو له)[ متفق عليه]. (Markaad aragtaan (bisha) sooma, markaad aragtaana afura, haddii la idinka daboolana (la idinka qariyo) u qadara (soddonkii shacbaan u dhamaystira)). Mar labaad waxaa Cabdullahi binu Cumar (r.c) laga warinayaa in uu yiri rasuulkii Alle (s.c.w) : ( الشهر تسع وعشرون ليلة، فلا تصومو حتى تروه، فإن غم عليكم فأكملو العدة ثلاثين)[البخاري]. (Bisha waa sagaal iyo labaatan habeen, ha soomina ilaa aad aragtaan (bisha), hadii la idinka qariyana ku dhamaystira tirinta soddon) [bukhaari]. Walaalayaal waxaa laga maarmaan ah in lala socdo tirsiga bisha shacbaan ee ramadaanka ka horeysa si loo ilaaliyo wakhtiga bisha ramadaan, wax shaki ahna aysan u galin waa sidii uu nabiga (s.c.w) samayn jirey inagana la ina faray. Abuhurayrah (r.c) waxaa laga warinayaa in uu rasuulkii Alle (s.c.w) yiri: ( أحصو هلال شعبان لرمضان) [الترمدي]. ( Kooba {tiriya} bisha shacbaan ramadaan dartii) [tirmidi]. Axkaamta Soonka  ‐ 10 ‐  05. Qaar Kamid Ah Soonka La Iska Reebay Rasuulka (s.c.w) wuxuu naga Nahyiyay (reebay) in ramaan hortii la soomo maalin iyo laba maalmood ruux horay soon sunna ah u soomi jirey mooyee way banana tahay inuu soomo haddii uu soonkiisii ku hagaago maalmahaa lanahyiyey, sidoo kale nahyigan saamayn kuma yeelanayo haddii uu soomo ruux lagu lahaa soon farad ah oo qallaynayo, arintas waxaa cadaynaya : Abu hurayrah (r.c) wuxuu nabiga (s.c.w) ka warinayaa inuu yiri: ( لا تقدمو رمضان بصوم يوم أو يومين إلا رجلا كان يصوم صوما فليصمه) [متفق عليه]. (Ha kala hormarina ramadaan maalin ama laba maalmood soon ruuxii soo soomijirey soon mooyee oo hasoomo). Sidookale waxaa la nahyiyey in la soomo maalinta laga shakisan yahay soonka ayna kala caddaanin inay soon tahay iyo in bishii shacbaan wali dhamaanin, waxaana arintaas cadaynaya Cammaar binu yaasir (r.c) waxaa laga warinayaa inuu yiri : ( من صام اليوم الذى يشك فيه الناس فقد عصى أبا القاسم)[صحيح] . (Ruuxii sooma maalinka dadka ay ka shakisanyihiin, dhab ahaan wuxuu caasiyey abal qaasim {nabi muxammad, s.c.w} ). 06. Ducada La Akhristo Markay Bil Dhalato Dhalxe binu cubeydi llaah (r.c) waxaa laga warinayaa in uu nabiga (s.c.w) ahaan jirey markuu bisha arko mid yidhaahda: ( اللهم أهله علينا بالأمن والإيمان، والسلامة والإسلام، ربي وربك الله، هلال رشد وخير ). Axkaamta Soonka  ‐ 11 ‐  (Allaw {bisha} noogu dul dhali ammaan iyo iimaan iyo nabadgalyo iyo islaamnimo, {bilyahay} rabbigey iyo rabbigaa waa Allaah, bil hanuun iyo khayr). 07. Fadliga Soonka Iyo Aadaabta Ruuxa Sooman Laga Rabo Fadliga soonka aad ayuu u badanyahay halkana kumasoo wada koobi karo, hasayeshee wax kamid ah ayaan halkan ka sheegi haduu Alle idmo, Allaah wuxuu ina leeyahay: (… وأن تصومو خير لكم إن كنتم تعلمون) [البقرة 184.[ ( Inaad soontaaan yaana idiin khayr badan hadaad tihiin kuwo wax og). Abiihurayrah (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii ALLE wuxuu yiri: ( كل عمل ابن آدم يضاعف الحسنة بعشر أمثالها، إلى سبعمائة ضعف إلى ما شاء الله. يقول الله إلا الصوم، فإنه لي وأنا أجزى به، يدع شهوته وطعامه من أجلى. للصائم فرحتان: فرحة عند فطره وفرحة عند لقاء ربه ولخلوف فم الصائم ألطيب عند الله من ريح المسك) [ابن ماجة]. ( Bina aadamka camalkiisoo dhan {halkii} wanaag ahba waxaa loo laabaa {loo badiyaa} toban iyadoo kale ah, ilaa todobo boqol oo laa-laab, ilaa intuu Allaah doono. Allaah wuxuu leeyahay soonka mooyee, aniga ayuu ii sugnaaday anigaana ka abaal marin {soonka}, wuxuu aniga daraadey uga tagi shahwadiisii iyo cuntadiisii. ruuxa sooman wuxuu leeyahay laba farxadood: farxad afurkiisa agteeda ah iyo farxad lakulanka rabigii agteeda ah, luunka {saran} afka ruuxa sooman, wuxuu ka udgoon badan yahay Alle agtiisa udugga miskiga) [ibnu majah]. Cuthman (r.c) wuxuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii ALLE oo leh : ( الصوم جنة من النار كجنة أحدكم من القتال) [ابن ماجة]. ( Soonka wuxuu gaashaan kayahay naarta sida gaashaanka midkiin uu (uga celiyo) dagaalka) [ibnu majah]. Axkaamta Soonka  ‐ 12 ‐  Sahal binu saciid wuxuu wariyay: inuu nabiga (s.c.w) yiri : ( إن في الجنة بابا يقال له الريان يدعى يوم القيامة، يقال أين الصائمون ؟، فمن كان من الصائمين دخله، ومن دخله لم يظمأ أبدا) [ابن ماجة والنسائي]. ( Janada waxaa ku dhex yaalla albaab la dhoho: RAYYAAN, waa looga yeedhi maalinta qiyaame, oo waxaa ladhihi: Aaway kuwii soomi jirey?, ruuxii kamid ahaa dadka sooma wuu gali {albaabka}, ruuxii galana ma oomayo {ma haraadayo} waligii) [ibnu majah & nasaa’i]. Abii hureyrah (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii ALLE (s.c.w) wuxuu yiri: (من صام رمضان إيمانا واحتسابا غفر له ما تقدم من ذنبه). ( Ruuxii kusooma ramadaan rumaysnaan iyo ajir xisaabsasho waa loo dhaafi wixii hormaray {tagay} ee danbigiisa ah). Abii hureyrah (r.c) wuxuu wariyay inuu rasuulkii ALLE (s.c.w) yiri : ( إذا كانت أول ليلة من رمضان، صفدت الشياطين ومردة الجن، وغلق أبواب النار فلم تفتح منها باب، وفتحت أبواب الجنة فلم يغلق منها باب، ونادى مناد: يا باغي الخير أقبل ويا باغي الشر أقصر، وهلل عتقاء من النار وذالك في كل ليلة) [ابن ماجة، والترمذي]. ( Marka ay tahay habeenka koowaad ee ramadaanka ka mid ah, waxaa la xidhxidhaa shayaadiinta iyo jinka kuwiisa madaxa adag, waana laxidhaa albaabada naarta, albaabna lagama furo, waxaana lafuraa albaabada janada albaabna lagama xidho, waxaana dhawaaqa mid ku dhawaaqaya: khayrka kii doonayoow soo qaabil, kii sharka doonahayowna gaabso {joog}, Allaahna waxaa usugnaaday kuwo naarta laga xoreeyo, arinkaasina {naar ka xoraynta ah} waa habeen kasta dhexdiis) [ibnu maajah & tirmidi]. Anas binu malik (r.c) wuxuu yiri : ramadaan baa soo galay, rasuulkii Alle na (s.c.w) wuxuu yiri : ( إن هذا الشهر قد حضركم، وفيه ليلة خير من ألف شهر، من حرمها فقد حرم الخير كله، ولا يحرم خيرها إلا محروم)[ابن ماجة]. Axkaamta Soonka  ‐ 13 ‐  ( Dhab ahaantii bishan {ramadaan} way indiin timid, waxaana ku dhex jira habeen ka kheyr badan kun bilood, ruuxii laga xirmaaniyo {habeenkaas} waxaa dhab ahaantii laga xirmaaniyey {laga qadiyey} kheyr dhamaantii, lagamana xirmaaniyo kheyrkeeda mid la hongeeyey (laqadiyey) mooyee) [ibnu maajah]. Abu hureyre (r.c) wuxuu yiri : rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu yiri : (من لم يدع قول الزور والعمل به فليس هلل حاجة في أن يدع ]طعامه وشرابه) [البخاري]. ( Ruuxii aan katagin hadalka beenta ah iyo ku dhaqankiisa, Ilaahay wax dan ah kama uu laha {waxba kuma uu falayo} inuu katago cuntadiisa iyo cabiddiisa) [bukhaari]. Abii hureyrah (r.c) waxaa laga warinayaa in uu rasuulkii Alle (s.c.w) yiri : ( إذا كان يوم صوم أحدكم فلا يرفث، ولا يصخب ، ولا يجهل. فإن شاتمه أحد أو قاتله فليقل: إني صائم). ( Markay tahay midkiin maalintiisa soonkeeda yuuna fisqi (xumaan) la imaanin, yuusanna qaylinin, jaahilnimana yuuna samaynin, hadduu ruux la caytamo ama uu la dagaallamana ha yiraahdo: aniga waan soomanahay). Walaalayaal fadliga soonka lama soo koobi karo ruuxa muslimka ahna waa mid marka la waaniyo waansama marka wax wanaagsan loo sheegana u tartama. Aadaabta ruuxa sooman looga baahan yahay oo aad ufara badan ayaa waxaa kamid ah:  Inuu ku dadaalo akhrinta qur’aanka.  Inuu taraawiixda iyo tahajudka tukado, si uu uga mid noqdo kuwa ka faaiidaysta bishan barakada aadka ubadan leh.  Waa inuu iska ilaaliyaa: xanta, beenta, isku dirka.  Iyo sidoo kale in la dhageysto ama la daawado waxyaabaha dambiga ah ama wakhtigii kheyrka lugu bixin lahaa kaa buuxinaya sida: heesaha, musikadaa, filimaanta noocyadooda kaladuwan.  Iyo ciyaaraha, turubka, dulbadda, shaxda/jarta, iyo dhamaan waxyaabaha wakhtiga lugu lumiyo ee aan banaaneyn. Axkaamta Soonka  ‐ 14 ‐   Sidookale waxaa nasiibdarra ah in uu ruuxa muslimka ah Hurdo ku dhameeyo maalinta soonka isagoo habeenkii isticmaala kiniinka hurdada i.w.m. 08. Qaar Kamid Ah Dhacdooyinkii Dhexdhacay Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Dhacdooyinka taariikhiga ah ee dhex dhacay bishan barakaysan ee ramadaan way fara badanyihiin, waxaana kamid ah kuwan hoos ku xusan: 1. Sidaan wada ognahay bisha ramadaan dhexdeeda waa bishii nabigeenna (s.c.w) Waxyiga ku billowday. 2. Sidoo kale ramadaanka dhexdiisa sanadkii 10aad ee bicthada nabigeenna (s.c.w) ayuu dhintay Abii dhaalib oo ahaa nabiga (s.c.w) adeerkii, wax bandanna ka difaaci jirey hagardaamadii ree qureesheed ay nabiga ku hayeen. 3. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 8aad ee soo saariddii nabiga ayaa la oofsaday nabiga xaaskiisii ugu horraysay ee uu sida aadka ah u jeclaa, ahaydna ruuxii koowaad ee rumeeyo dhambaalkii uu nabiga siday, waa hooyadii mu’miniinta khadiija bintu khuwaylad. 4. Ramadaanka dhexdiisa Sanadkii 1aad ee hijrada waxaa la sharciyeeyay Aadaanka, kadib markuu riyo ku arkay Cabdullaahi binu zayd. 5. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 2aad ee hijrada ayaa la jideeyay salaadda ciidda. 6. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 2aad ee hijrda waxaa la sharciyeeyay Zakaatul fidriga. 7. Bishan ramadaan dhexdeeda isla sanadkii 2aad ee hijrada ayeey ahayd markii uu Allaah guusha siiyay rasuulka iyo asxaabta dagaalkii lamagac baxay dagaalkii Badar. 8. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 8aad ee hijrada wuxuu Allaah gacanta muslimiinta soo galiyay oo la furtay magaalada barakaysan, ahna qiblada Axkaamta Soonka  ‐ 15 ‐  muslimiinta ee Makkah al-mukarramah markaa ayeey dadkii diinta usoo galeen kooxo-kooxo. 9. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 11aad ee hijrada waxaa la oofsaday gabadhii rasuulka ee Faadimah bintu rasuuli LLAAH. 10. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 40aad ee hijrada waxaa shihiiday khaliifkii afaraad ee muslimiinta Cali binu abii-daalib. 11.Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 58aad ee hijrada waxaa la oofsaday hooyadii mu’miniinta ee ahayd xaaska kaliya ee uu rasuulka (s.c.w) iyadoo gabadh ah guursaday, si aad ahna uu u jeclaa waa Caaisha binti abii-bakar. 12. Ramadaanka dhexdiisa ayeey ahayd sanadkii 92aad ee hijrada markii ay muslimiinta furteen اندلس) spain) wuxuuna ALLAAH ku furay gacanta Daariq binu ziyaad. 09. Shuruudaha Soonka Shuruudaha uu soonka waajib ku noqdo waa shan shuruudood oo kala ah:  Islaamnimo.  Qaan gaadhitaan.  Miyir qab.  Karitaanka soonka awood ahaan iyo sharci ahaanba.  Nagaansho.  Islaamnimo : Shardiga koowaad ee waajibiya soonka waa islaamnimo maxaayeelay Allaah waxba kama aqbalo ruux aan muslim ahayn, sidaadaraadeed gaalada inay soomaan lagama rabo inta ay aduunyada joogaan, haday soomaanna lagama aqbalayo, aakhirase ciqaabta ayaa loogu kordhin dhammaan cibaadadii ayna la imaan jirin sida soonka iyo salaadda (allow adigaan kaa magan galnay), Allaah wuxuu leeyahay: Axkaamta Soonka  ‐ 16 ‐  (ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخسرين)[آل عمران 85. [ (Ruuxii doona diin aan islaamka ahayn laga aqbali maayo, aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray) [aali-cimran]. • Qaangaadh nimo: Shardiga labaad ee waajibiya soonkana waa Qaangaadh nimo, sida ay fuqahada sheegeen calaamadaha qaangaadhka waa:  In uu wiilka ku biyo duuliyo laga bilaabo 9 jir – 15 jir.  In ay udhamaato shan iyo toban sano.  Inay gabadha aragto dhiigga xaydka laga bilaabo 9 jir – 15. Sidaan wada ognahay ruuxa muslimka ah marka uu qaangaadho waxaa dusha ka fuulaya oo laga rabaa inuu layimaaddo dhammaan arimaha ay shareecada farayso,waana inuu ka fogaado dhammaan waxa ay shareecada ka reebayso, waana arinta uu ruuxa ku mutaysan karo abaalmarka wanaagsan ama ciqaabta daran ee aakhiro sidaadaraadeed soonka wuu ku waajibayaa ruuxii isku arka calaamadaha qaangaadhka ee aan kor kusoo sheegnay, Arintaas waxaa ku tusayo : Cali (r.c) wuxuu rasuulka (s.c.w) kawarinayaa inuu yiri : ( رفع القلم عن ثلاثة: عن النائم حتى يستيقظ، وعن الصبي حتى يحتلم، وعن المجنون حتى يعقل)[ابن ماجة]. ( Saddex xaggooda qalinka waa lag koryeelay: ruuxa jiifa illaa uu soo tooso, iyo ilmaha yar illaa uu qaangaadho iyo midka waalan illaa uu wax garto {miyirsado}) [ibnu-maajah]. Sidoo kale waxaa wanaagsan in lugu tarbiyeyo caruurta yar-yar soonka si ay ugu sii laylsamaan waana sidii ay samayn jireen salafkii umadda, awlaadda waa in salaadda lafaro todobo jir mark ay yihiin, waana in lagu garaaco hadday katagaan marka ay toban jir yihiin, soonka waa in sidaa oo kale loogu tarbiyeyo, xataa maalin niskeed waa in la soomiyaa haddii maalinta uuna wada awoodi karin. Axkaamta Soonka  ‐ 17 ‐   Miyiqab : Shardiga saddexaad ee waajibiya soonka waa Miyirqab waxaana cadaynaya xadiithkan: Cali (r.c) wuxuu rasuulka (s.c.w) kawarinayaa inuu yiri : ( رفع القلم عن ثلاثة: عن النائم حتى يستيقظ، وعن ]الصبي حتى يحتلم، وعن المجنون حتى يعقل)[ابن ماجة]. ( Saddex xaggooda qalinka waa lag koryeelay: ruuxa jiifa illaa uu soo tooso, iyo ilmaha yar illaa uu qaangaadho iyo midka waalan illaa uu wax garto {miyirsado}) [ibnu-maajah]. Sidoo kale waxaa xugunkan soo galaya ruuxa Waayeelnimo darted isku daranka noqday (cantatabay ama asaasaqay), ruuxa sidaa ahna soonka waajib kuma aha fidyana lagama rabo, waxaana laga soo qaadayaa sida ruuxa waalan oo kale, hadii uu ruuxa marna waalanayo marna miyirsanayo inta uu miyirkiisa joogo soonka waa kuwaajib, lagamana rabo inuu soo qalleeyo soonkii katagay maalmihii uu miyir la aanta ahaa ama waalnaa.  Karitaanka Soonka Awood Ahaan Iyo Sharci Ahaanba : Shardiga afaraad ee waajibiya waa: in uu ruuxa xammili karo soonka, awood ahaan xagga jidhka ah iyo sharci ahaan labadaba. Awoodda xagga jidhka ah waa: in uu ruuxa awood uleeyahay soonka, hadii uu ruuxa qabo cudur kukeeni karo dhib hadii uu soomo, waxaa ubanaan in uu afuro soona qalleeyo marka uu ka bogsado cudurkii hayay, haddiise uu yahay cudurka haya mid aan la rajaynaynin inuu ka caafimaado, waxaa laga rabaa maalin kasto inuu quudiyo ruux miskiin ah, wax qalla ahna luguma laha. Hooyada uurka leh iyo midda ilmaha nuujinaysa (jaqsiinaysa) hadii ay ucabsadaan ilmohooda ama naftooda, waxaa ubanaan inay afuraan, waxaana laga rabaa inay soo qalleeyaan soonkii uurka ama nuujinta darteed kaga tagay maalinkastana miskiin ayey quudinayaan waa hadii ay u cabsadaan ilmohooda sidaa daraadeedna ay u afuraan. Axkaamta Soonka  ‐ 18 ‐  Anas binu malik (r.c) wuxuu warinayaa inuu rasuulkii Alle (s.c.w) yiri : ( إن الله عزوجل وضع عن المسافر شطر الصلاة، وعن المسافر والحامل والمرضع الصوم) [أحمد]. (Allaah qaalib noqoy oo waynaaye wuxuu ka dajiyey musaafirka xaggiisa salaadda badhkeed, musaafirka xaggiisa iyo xaamilida iyo midda nuujinaysa {wuxuu kadajiyay} soonka) [axmed]. Karitaanka sharci ahaaneed waa: in ay gabadha nadiif katahay dhiigga caadada iyo dhiigga dhalmada labadaba, soon iyo salaad midna luguma laha kamana asaxayo intay xaaladdaa ku jiraan dumarka. Gabadha xaydka dartii uu soonka ku dhaafay iyo hooyada umusha darteed uu soonka kagatagay, maalmahaa katagay waxay soo qallaynayaan, maalma kale ooy daahir yihiin, salaaddii katagtayse ma soo qalaynayaan, waana fududayn xag Eebbe ka ahaatay. عن معاذة قالت سألت عائشة (رضي الله عنها) فقلت: ما بال الحائض تقضي الصوم ولا تقضي الصلاة ؟ فقالت: أحرورية أنت؟ فقلت لست بحرورية ولكن أسأل. فقالت: كان يصيبنا ذالك فنؤمر بقضاء الصوم ولا نؤمر بقضاء الصلاة. (متفق عليه) ( Mucaadah waxaa lawarinayaa inay tiri: caaisha ayaan su’aalay oo waxaan idhi: maxaa ugu wacan oo gabadha uu xaydka qabto ay soonkana u qallayn salaadana u qallaynaynin? Waxaytiri: oo ma xaruuriyad baa tahay adiga? markaa waxaan iri xaruuriyad ma ihi ee laakiin waan waydiinayaa, waxay tiri: arrinkaas wuu nugu dhici jiray waxaana nala amri jiray soonka soo qallayntiisa salaadda soo qallaynteedana nala amri jirin). (xaruuriyad waa magac ay leeyihiin khawaaijta, ayagaana amri jiray inay gabadha soo qaallayso salaadihii katagay intay qabtay xaydka!). Axkaamta Soonka  ‐ 19 ‐   Nagaansho. Shardiga shanaad ee waajibiya soonka waa: Nagaansho (ruuxa oon musaafir ahayn) ruuxa musaafirka ahse waxaa ubanaan inuu afuro bisha ramadaan wayna ubanaantahay inuu safarka ku dhex soomo, labada arimoodbana wuu sameeyay rasuulka (s.c.w) عن ابن عباس رضي الله عنه قال : صام رسول الله صلى الله عليه وسلم في السفر وأفطر. ( Ibnu cabaas (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii Alle (s.c.w) wuu soomay safar dhexdii wuuna afuray). Ruuxa musaafirka ah uma fiicno inuu soomo haddii uu ku dhib mudanayo soonka, haddii uuna ku dhibaatoonayninse way ubanaantahay sidaan kor kusoo sheegnay. عن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما قال: ( كان رسول الله صلى الله عليه وسلم في سفر فرأى زحاما، ورجلا قد ظلل عليه فقال:ما هذا؟ قالو صائم قال: ليس من البر الصيام في السفر) (متفق عليه) . وفي لفظ لمسلم: (عليكم برخصة الله التي رخص لكم). ( Jaabir binu cabdillaahi {isaga iyo aabihiiba Allaah haka raalli noqdee} waxaa laga warinayaa inuu yiri: rasuulkii Alle oo safar ku jira ayaa arkay urur {meel lugu tuursanyahay} iyo nin loo dallaalimeeyay {loo hoosiyay} markaasuu yiri: kani muxuu ahaa? Waxay dheheen waa mid sooman, wuxuu yiri: wanaagga kama mid aha in safarka dhexdiisa la soomo). Odhaah muslim usugnaatayna waxaa ku sugan: (qaata rukhsadii Alle ee uu idiin rukhseeyay idinka). Safarka uu ruuxii soomanaa ku afuri karo, salaaddana lugu gaabinkaro waa: meesha caada ahaan ay dadka uyaqaanaan safar, oo la odhankaro, “hebal safar ayuu ku maqanayahay” qayb culimada kamid ahna waxay dheheeheen, waa in ay tahay meel jirta masaafa dhan: ilaa 80 km, (sideetan kilometer) hadallo kale oo fara bandanna way sheegeen culimada. Axkaamta Soonka  ‐ 20 ‐  10. Waxyaabaha Soonka Jabiya Soonka waxaa jabiya qodobadan hoos ku qoran :  Wax jidhka gudihiisa gaadha oo cunto iyo cabbid ah ama shay qabanaya shaqada ay jidhka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka si ulakac ahna ugaadha .  In mantag (hunqaaco) si ulakac ah la isaga keeno.  In si ula kaca ah galmo loo sameeyo .  Biyo dajin (minida oo timaada) kuna timaadda taa-taabasho iyo raaxaysi.  Dhiigga caadada (xaydka) oo yimaada .  Dhiigga dhalmada (nifaaska) oo yimaadda .  Waalli iyo wixii lamid ah oo ruuxa ku dhacda .  Riddoobid (ruuxa oo diinta ka baxa) ALLAAH ayaan kamagan galnay.  Ruuxa oo niyooda inuu afuro inta ay qorraxda soojeedo. Marka la helo mid kamid ah qodobadan kor ku qoran, ruuxii soomanaa soonkiisi wuu jabay, waxaana waajib ku ah inuu soo qalleeyo soonkii sidaa kagajabay oo idil. Faah-faahin  Jabiyaha koowaad ee soonka waa: Wax gaara caloosha ama jidhka gudihiisa oo cunto iyo cabbid ah ama qabanaya shaqada ay jidhka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka, sida: faleenbooyinka nafaqada, ama in dhiig lugu shubo, ruuxii oo sooman, i.w.m. Waxaa isku mid ah waxa jidhka gudihiisa galay inuu kagalo meelaha furan sida: afka, xagga danbe, ibta, sanka, dhagaha, iyo in irbad (silingo) ahaan lugu siiyo, Addilada arintaa tusinaya waxaa kamid ah: وكلو واشربو حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر ثم أتموا الصيام إلى اليل Axkaamta Soonka  ‐ 21 ‐  ( Cuna oo cabba intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow aroortii dhammeeyana soonka tan iyo habeenka…) Soonka kama jabayo ruuxa cuna ama cabba isagoo is hilmaansan Abu hureyrah (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu yir: ( من نسي وهو صائم، فأكل أو شرب، فليتم صومه، فإنما أطعمه الله وسقاه ) (متفق عليه) ( Ruuxii hilmaama isagoo sooman, oo cuna ama cabba, soonkiisa ha dhamaystiro, ALLAAH un baa quudiyey oo waraabiyeye ).  Jabiyaha labaad ee soonka waa: In si ulakac ah la isaga mantajiyo, hadii mantaga uusan ulakac ahayn soonka kuma jabayo. Abu hurayrah (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu yiri: (من ذرعه القيء فلا قضاء عليه، ومن استقاء فعليه القضاء) ( Ruuxii uu soo dhaafo mantagga, qalle korkiisa luguma laha, ruuxii iska mantajiyase korkiisa waxaa ah qalle ) .  Jabiyaha saddexaad ee soonka waa: In galma lasameeyo maalinimada bisha ramadaan iyadoo la xusuusanyahay soonka, ruuxii arintan sameeya soonkiisa wuu jabayaa kafaara culusna way ku waajibi, Kafaarada wayni waa:  Qoor (addoon) inuu xoreeyo.  Inuu soomo laba bilood oo xidhiidh ah.  Inuu quudiyo lixdan (60) miskiin. Axkaamta Soonka  ‐ 22 ‐  Waxaana udaliil ah xadiiskan hoos ku qoran oo ah qiso dhacday xilligii nabiga (s.c.w) Abuhureyre (r.c) waxaa laga warinayaa inuu yiri: nin baa nabiga (s.c.w) uyimid wuxuuna yiri: waan halaagsamay rasuulkii allow!, wuxuu yiri – Nabiga: maxaa ku halaagay ? – Ninkii: xaaskeygi ayaan ku dhacay ramadaan dhexdiisa. – Nabiga: ma heli kartaa wax aad qoor (addoon) ku xoreyso? – Ninkii: maya. – Nabiga: ma awooddaa inaad soonto laba bilood oo is raac-raacsan (xidhiidh ah). – Ninkii: maya !. – Nabiga: ma heli kartaa wax aad ku quudiso lixdan miskiin ? – Ninkii: maya !. Kadib wuu fadhiistay waxaana loo keenay nabiga (s.c.w) danbiil ay timir kujirto, wuxuuna yiri – Nabiga: kan (danbiisha timirta ah) sadaqayso. – Ninkii: ma cid annaga naga faqiirsan !? kuma sugno (makka) labadeeda shiilood reer annaga nooga baahi badan. – Nabiga: wuu qoslay (s.c.w) illaa ay soo baxaan miciyihiisa, kadib wuxuu yiri: orod oo reerkaada quudi. [mutafaq]. Runtii waa arrin mudan in la isaga jiro, maxaa yeelay waa arrin ku dhaxalsiin wixii aad hal maalin ka adkaysan wayday in lugugu ganaaxo lixdan maalmood inaad ka adkaysato. Waxaa ubanaan ninka sooman inuu xaaskiisa la sameeyo wixii aan galma ahayn, waa haddii uu yahay nin weyn oo aan dhalinyaro ahayn, ama uu yahay nin iska adag oo is hanan kara . عن عائشة رضي الله عنها قالت: (كان النبي صلى الله عليه وسلم يقبل ويباشر وهو صائم وكان أملككم لإربه). (متفق عليه) Axkaamta Soonka  ‐ 23 ‐  ( Caaisho (r.c) waxaa laga warinayaa inay tiri: nabiaga (s.c.w) wuxuu ahaan jiray mid dhunkada oo taataabta isagoo sooman, wuxuuna ahaa kiinna ugu hanan og xubinkiisa ). Ibnu cabaas (r.c) wuxuu yiri: ( رخص للكبير الصائم في المباشرة وكره للشاب ) (أحمد) ( Taa-taabashada waa loo, ogolaaday ruuxa weyn ee sooman, midka dhalinyarada ahna waa loo kohda ). Sidookale ruuxii uu waaga ku baryo isagoo janaabo qaba, soonkiisa wuu sii wadanayaa wax dhib ahna malaha . Naafic waxaa laga warinayaa inuu yiri: waxaan su’aalay ummu salama, nin uu waaga ka baryi isagoo janaaba qaba (islamarkaana) doonaya inuu soomo?, waxay tiri: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يصبح جنبا من الوقاع لا من احتلام، ثم يغتسل ويتم صومه) (متفق عليه). ( Rasuulkii ALLE (s.c.w) wuxuu ahaan jirey mid waabariista isagoo janaaba qaba, ooy xaas la kulmid (galmo) xaggeed ka ahaatay, ee aanay riyo xaggeed ka ahaanin, kadib wuu qabaysan jirey, soonkiisana wuu dhamaystiran jirey ). [mutafaq] .  Jabiyaha afaraad ee soonka waa: Biyo dajin uu ruuxa sooman sababteeda leeyahay sida: taa-taabasho ama iska keenid i.w.m waxaana ku waajibaya inuu maalintiisaa afhaysto soona qalleeyo soonka maalintaa ka jabay, haddiise ay minida ka timaado isagoo jiifa ama fikiraya soonka kama jabinayso waxaana udaliil ah: Abu hurayrah (r.c) wuxuu rasuulka (s.c.w) ka warinayaa: (… يترك طعامه وشرابه وشهوته من أجلي…) (متفق عليه) Axkaamta Soonka  ‐ 24 ‐  (…. wuxuu ka tagi (ruuxa sooman) cuntadiisa iyo cabitaankiisa iyo shahwadiisa aniga daraaddeey….) .  Jabiyaha shanaad ee soonka waa: Dhiigga xaydka ee dumarka ku imaada bishiiba hal mar Abiisaciid al-khudri wuxuu yidhi rasuulka isagoo kawaramaya nuqsaanta diintooda: (أليست إذا حاضت المرأة لم تصل ولم تصم) (متفق عليه) ( Miyayna ahayn markay hesho xayd haweenayda mid aan tukanaynin oonan soomaynin ) .  Jabiyaha lixaad ee soonka waa: Dhiigga dhalmada, imaanshaha dhiiggan wuxuu noqon karaa hal mar oo kali ah, ama wuxuu socon karaa toban bari illaa afartan, sida badan mudada uu socdaa waa afartan bari, hadaba gabadha muslimadda ah waa iney la socoto xilliga uu dhiigga ka istaago, si ay cibaadada isugu diyaariso.  Jabiyaha todobaad ee soonka waa: Waalli ama miyir daboolmid maalinta soonka oo idil, hadii ruuxa sooman maalin ramadaan ah uu waasho, soonkiisa wuu jabayaa . Cali (r.c) wuxuu rasuulka (s.c.w) ka warinaya inuu yiri: (رفع القلم عن ثلاثة:: عن النائم فتى يستيقظ، وعن الصبي حتى يحتلم، وعن المجنون حتى يعقل) (تقدم تخريجه) Axkaamta Soonka  ‐ 25 ‐  ( Saddex xaggooda qalinka waa lag koryeelay: ruuxa jiifa illaa uu soo tooso, iyo ilmaha yar illaa uu qaangaadho iyo midka waalan illaa uu wax garto (miyirsado ).  Jabiyaha sagaalaad ee soonka waa: Ruuxii soomanaa oo si ula kac ah u niyooda inuu afuro waxaana udaliil ah xadiiska caanka ah ee cumar binul khadaab (r.c) uu warinayo: (إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى…) (متفق عليه) ( Acmaasha (waxay un ku asaxdaa ama ku dhamaystirantaa) niyooyinka, ruux walbana wuxuu niyooday un baa u sugnaaday ) . Hadaba ruuxii niyooda inuu afuro soonkiisa wuu jabayaa. Waxyaalaha aan dhibka lahayn soonka dhexdiisa waxaa kamid ah: in la cadaydo (rumaydo) niska danbe ee maalin nimada ramadaanka, iyo sidoo kale in la qabaysto iyo in la isticmaalo cadar iyo barfuun . 11. Arkaanta Soonka Arkaanta soonka (tiirasha uu soonka ku taaganayahay) waa laba tiir oo kala ah: 1. In laniyoodo soonka. 2. In laga joogsado waxyaabaha ruuxa sooman ka afuriya. 1. Rukniga Koobaad Ee Soonka Waa: In laniyoodo soonka, maxaayeelay camalkasta niyada ayuu ku dhisanyahay, camal aan laniyoonina ma asaxayo ama waa naaqis, meesha wax laga niyoodana waa Qalbiga, loomana baahno in niyada afka lagaga hadlo. Axkaamta Soonka  ‐ 26 ‐  Niyada waxaa udaliil ah xadiiskii cumar (r.c): (إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى…) (متفق عليه) ( Acmaasha (waxay un ku asaxdaa ama ku dhamaystirantaa) niyooyinka, ruux walbana wuxuu niyooday un baa u sugnaaday ) . Hadaba soonka waajibka ah xilliga laniyoon karo waa Laga bilaabo wakhtiga salaadda maqrib illaa wakhtiga salaadda subax. Ruuxii aan niyoonin habeenimada soonka bisha ramadaan soon uma jiro maalintaa, umana banaana inuu wax cuno ama cabbo, ee wuu af haysanayaa waana inuu soo qalleeyo soonkii niyad la’aanta uu soomay, waana waajib in habeenka niyada labariiyo. Hadii aad suxuurato adigoo doonaya inaad barri soonto niyadii way kuu dhantahay, suxuurta aad usoo kacday adigoo soon doonaya waxay ka tujumaysaa niyadii soonka. Waakan xadiiska nabiga (s.c.w) oo inoo caddaynaya waajibnimadka in laniyoodo soonka waabariga kahor: Xafsah (oo kamid ah hoyoyinka mu’miniinta ) waxay nabiga (s.c.w) ka warinaysaa inuu yiri: (من لم يجمع الصيام قبل الفجر فلا صيام له) (صحيح، أخرجه: الخمسة، واللفظ للترمذي) ( Ruuxii aan kulminin (aan niyoonin) soonka waabariga kahor, soon uma jiro). 2. Rukniga Labaad Ee Soonka Waa: In laga joogsado (la iska ilaaliyo) waxyaabaha soonka jabiya, ee aan horay usoo sheegnay. Axkaamta Soonka  ‐ 27 ‐  12. Waxyaabaha Sunada Ah Soonka Dhexdiisa Sunooyinka soonka aad ayey ufara badanyihiin waxaana kamid ah:  In afurka la dadajiyo.  In timir lugu afuro.  In la suxuurto suxuurtana dib loo dhigo.  Quraanka oo akhrintiisa labadiyo.  Sadaqada oo lugu dadaalo.  In dadka sooman la afursiiyo.  Habeenkii oo latukado taraawiixda ama tahajudka.  Masaajidka oo lugu nagaado (ictikaafka) i.w.m. Daliilka afurka iyo timirta waa: Sahal binu saciid waxaa laga warinayaa: inuu rasuulka (s.c.w) yiri: ( لا يزال الناس بخير ما عجلو الفطر) (متفق عليه). (Dadka kheyr kama suulayaan (kama dhamaanayaan) intay afurka dadajinayaan). Cumar binul khadhaab (r.c) wuxuu yiri: rasuulka (s.c.w) wuxuu yiri: (إذا أقبل اليل من هاهنا وأدبر النهار من هاهنا وغربت فقد أفطر الصائم) (متفق عليه) الشمس ( Marka uu habeenka kasoo qaabilo xaggaa (dhinaca ay qorraxda kasoo baxdo) maalintana ay u daba jeediso xaggaa (dhinaca ay qorraxda u dhacdo) qorraxdana ay dhacdo, dhab ahaan wuu afuray ruuxii soomanaa). عن أنس رضي الله عنه قال: ( كان رسول الله (صلى الله عليه وسلم) يفطر على رطبات قبل أن يصلي، فإن لم تكن رطبات فعلى تمرات، فإن لم تكن حسا حسوات من الماء) (حسن، أخرجه: أبوداود، والترمذي) ( Anas (r.c) waxaa laga warinayaa inuu yiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaan jiray mid ku afura xabado rodhob ah (waa nooc timirta kamid ah) intuuna tukanin kahor, haddaysan rodhob yaalo jirinna xabado timir ah (ayuu ku afuri jiray) haddaysan jirinna wuxuu kabban jiray kabbashooyin biyo ah ). Axkaamta Soonka  ‐ 28 ‐  Jaabir (r.c) wuxuu yiri rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu yiri: (( إن هلل عند كل فطر عتقاء، وذلك في كل ليلة)) (حسن، أخرجه: ابن ماجة) ( Ilaahay waxaa u sugnaaday afur kasta agtiis kuwo laxoreeyo, arinkaana waa habeen kasta dhexdiisa) . Daliilka suxuurta kusoo aroortay waxaa kamid ah: Anas (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii ALLE (s.c.w) wuxuu yiri: (تسحرو فإن في السحور بركة) (متفق عليه). (Suxuurta, barako ayaa suxuurta ku dhex sugane ). Camar binu caas (r.c) waxaa laga warinayaa inuu rasuulkii ALLE (s.c.w) yiri: ( فصل ما بين صيامنا وصيام أهل الكتاب أكلة السحور) (صحيح، أخرجه: مسلم، وأبو داود، والترمذي، والنسائي) ( Kala saaridda udhexeysa soonkanaga iyo soonka ehlu kitaabka (yuhuudda iyo nasaarada) waa cunidda suxuurta ) . Walaalayaal sida suxuurta ay sunno barakeysan utahay, waxaa sidoo kale sunna ah in suxuurta dib loo dhigo oo lugu dhaweeyo salaadda subax, waana sida sunada ah ee nabigeenii (s.c.w) uu samayn jirey. عن أنس بن مالك عن زيد بن ثابت(رضي الله عنهما) قال: تسحرنا مع رسول الله (صلى الله عليه وسلم) ثم قام إلى الصلاة. قال أنس قلت لزيد: كم كان بين الآذان والسحور؟ قال:قدر خمسين آية. (متفق عليه) Anas binu malik wuxuu zayd binu thabit (r.c) ka warinayaa inuu yiri: ( Waxaan la suxuuranay rasuulkii Alle (s.c.w) kadibna wuxuu u kacay xagga salaadda, anas wuxuu yiri: zayd waxaan ku idhi: imisay ahayd aadaanka iyo suxuurta inta u dhexeysay? Wuxuu yiri: konton (50) aayadood wax la eg. (macnah: konton aayadood wakhtiga lugu akhrin karo) ) . Axkaamta Soonka  ‐ 29 ‐  Waxaa sidoo kale ajir aad uweyn helay, ruxii afursiiya ruux sooman, wuxuu ruxaasi helayaa ajirka ruuxii uu afursiiyay oo kale, midkoodna ajirkiisii laga dhimi maayo, run ahaantii waa arin mudan in loo tar-tamo lagana faa’iidaysto. Zayd binu Khalid al-juhani (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu yiri: ( من فطر صائما كان له مثل أجوره، غير أنه لا ينقص من أجور الصائم شيئا) (صحيح، أخرجة: الترمذي، وأبوداود ) ( Ruuxii afursiiya ruux sooman waxaa u sugnaan (uu helayaa), ajirkiisa oo kale, iyadoon waxba laga dhimaynin ajiryada ruuxii soomanaa ). Wax yaabaha sunada ah ee mudan inlaga faaiideysto bisha ramadaan waxaa kamid ah: akhrinta qur’aanka iyo in la isladaraaseeyo, habeenkiina lugu tukado, waxaa arintan inugu boorinaya xadiiska Ibnu cabaas iyo kuwa kale ee lamidka ah: عن ابن عباس (رضي الله عنهما) قال: ( كان رسول الله (صلى الله عليه وسلم) أجود الناس، وكان أجود ما يكون في رمضان حين يلقاه جبريل، وكان جبريل يلقاه في كل ليلة من رمضان فيدارسه القرآن…) ( Ibnu cabaas (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaa dadka midka ugu deeqda badan, marka uu ugu deeq badan yahayna waxay aheyd ramadaanka dhexdiisa xilliga uu jibriil (c.s) la kulmayo, jibriilna wuxuu lakulmi jirey habeenkasta oo ramadaanka kamid ah, wuxuuna la daraaseyn jirey quraanka…). Rasuulka (s.c.w) waxaa laga warinayaa inuu yiri: (من قام رمضان إيمانا واحتسابا غفر له ما تقدم من ذنبه) (متفق عليه) ( Ruuxii istaaga ramadaan (habeenkii tukada) rumaysnaan iyo ajir xisaabsasho, waa loo dhaafi wixii hormaray (wixii horreeyey) oo danbigiisa ah ). Waxaa sunna ah in tobanka danbe ee ramadaanka la kordhiyo dadaalkii iyo cibaadadii lasoo hayay waana sidii uu rasuulka samaynjiray عن عائشة (رضي الله عنها) قالت: (كان رسول الله (صلى الله عليه وسلم) يجتهد في العشر الأواخر ما لا يجتهد في غيرها) (صحيح، أخرجه: مسلم، والترمذي، وابن ماجة) Axkaamta Soonka  ‐ 30 ‐  ( Hooyadeen caisha (r.c) waxay tiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaan jirey mid tobanka danbe ku dadaala si uuna ugu dadaalin waxyaabaha kale dhexdooda ). عن عائشة (رضي الله عنها) قالت:( كان رسول الله (صلى الله عليه وسلم) إذا دخل العشر شد المئزره، وأحيا ليله، وأيقظ أهله) (متفق عليه) ( Hooyadeen caisha (r.c) waxay markale warineysaa: Inuu rasuulka (s.c.w) ahaan jirey marka tobanka (danbe) soo galo, habeenka ayuu noolayn jirey (noolaynta habeenka waa in cibaado la galiyo), guntigana wuu adkeysan jirey, ehelkiisana wuu toosin jirey ). 13. Ducada La Akhristo Marka La Afuro Kadib Ibnu cumar (r.c) waxaa laga warinayaa inuu yiri: rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu dhihi jirey markuu afuro: (ذهب الظمأ، وابتلت العروق، وثبت الأجر إن شاء الله) (حسنه الألباني، أخرجة: أبو داود، والنسائي في الكبرى،وغيرهما) (Oonkii wuu tagay xididadiina way qoyeen ajirkiina wuu sugnaaday hadduu ALLAAH doono). 14. Ducada Ruuxa Afur Lasiiyo Ay Sunnada Tahay Inuu Ugu Duceeyo Dadkii Afur Siiyay Waxaa sunna ah ruuxa la afursiiyo inuu sidan ugu duceeyo dadkii afursiiyey: (أفطر عندكم الصائمون، وأكل طعامكم الأبرار، وصلت عليكم الملائكة)(صحيح، أخرجه: ابن ماجة) Axkaamta Soonka  ‐ 31 ‐  ( Agtiina haku afuraan kuwa sooman, cuntadiinana ha cunaan kuwa baariyaalka ah, malaa’igtana ha idiin duceyso). 15. Laylatul qadriga Walaalayaal habeenkan waa habeen aad iyo aad qaali u ah, kamana qado ruux kheyr oo dhan laga hor istaagay mooyee, waa habeen ka fadli badan sideetan iyo saddex sano iyo dhawr bilood cibaadadeed; ALLAAHU AKBAR waa fursad uu Allaah (c.w) inugu galladaystay(ALLAW HANAGA QADININ FADLIGA WEYN EE LAYLATUL QADRIGA, AAMIIN…) Allaah (c.w) wuxuu yiri: ( إنا أنزلنه في ليلة القدر ☼ وما أدراك ما ليلة القدر ☼ ليلة القدر خير من ألف شهر ☼ تنزل الملئكة والروح فيها بإذن ربهم من كل أمر ☼ سلام هي حتى مطلع الفجر ☼) ( سورة: القدر) ( Annagaa soo dajinnay quraanka habeenka laylatul Qadarka ah(sharafta leh) ☼ Mataqaanna laylatul qadarka ☼ Waa habeen ka kheyr badan kun bilood (ookale) ☼ Waxaana soo daga malaa’igta (kale) iyo malaku jibriil habeenkaas idanka eebe dartiisa iyo amarkiis ☼ ). Hooyadeen caisha (r.c) waxay rasuulka (s.c.w) ka warinaysaa inuu yiri: ( تحرو ليلة القدر في الوتر من العشر الأواخر من رمضان) (صحيح، أخرجه: البخاري) ( Ka raadiya laylatul qadriga kisiga (tirada isdheer) ee tobanka danbe ee ramadaanka kamid ah ). Axkaamta Soonka  ‐ 32 ‐  Hooyadeen caisha (r.c) waxay tiri: waxaan idhi: rasuulkii Allaw kawaran hadaan garto habeen habeenada kamid ah iney laylatul qadri tahay, maxaan dhahaa (habeenkaa dhexdiisa)? Wuxuu yiri: rasuulka (s.c.w) (قولي: اللهم إنك عفو تحب العفو فاعف عنى) (صحيح، أخرجه: الترمذي، وابن ماجة) ( dheh: Ilaahayow waxaad tahay mid cafis badan, cafiskana waad jeceshahaye iska kay cafi ). 16. Calaamadaha Lugu Garto Laylatul Qadriga Laylatul qadriga waxay leedahay calaamado lugu garto, waxaana kamid ah: 1. Waa habeen jawi wanaagsan leh dabayshana ay daggantahay: عن ابن عباس (رضي الله عنه) قال: قال رسول الله (صلى الله عليه وسلم): ( ليلة القدر ليلة سمحة، طلقه، لا حاره ولا باردة، تصبح الشمس صبيحتها ضعيفة حمراء) (حسن، أخرجه: الطيالسي، وابن خزيمة، والبزار) ( Ibnu cabbaas (r.c) wuxuu yir: rasuulkii Alle (s.c.w): laylatul qadriga waa habeen sahlan, oo furan, kulayl ma aha qabowna ma aha, subaxdeeda waxay qorraxda soo dhalan iyadoo daciif ah (sidii hore ka taag daran) oo guduudan.) Waa habeen daganaanshaha iyo xasiloonida ay malaa’igta lasoo dagaysa leh, oo ruuxa wuxuu dareemi qalbi dagani iyo laab furni iyo cibaadada oo u dhadhanta si uuna habeenada kale ahaan jirin. (macnaha guud, kafiiri: saxiixu fiqhu-sunnah, mujalladka 2aad, bogga: 134) 2. Waa inay subaxnimada habeenkaas qorraxda soo dhalato iyadoo saafi ah oon shucaac lahayn Axkaamta Soonka  ‐ 33 ‐  عن أبي ابن كعب (رضي الله عنه) أن رسول الله (صلى الله عليه سلم) قال: (( صبيحة ليلة القدر، تطلع الشمس لا شعاع لها، كأنها طست، حتى ترتفع)) (صحيح، أخرجه: مسلم) ( Ubayyi binu kacab (r.c) waxaa laga warinayaa inuu rasuulkii Alle (s.c.w) yiri: Subaxnimada laylatul Qadriga waxay qorraxda soo dhalan iyadoon shucaac lahayn, iyadoo baaf oo kale ah, ilaa ay kor u soo kacdo ). 17. Zakaatul Fidriga (Dagara Soonka)  Zakatul fidriga waa sadaqo waajib ah oo laga rabo ruux kasta oo muslim ah: yar iyo weyn, lab iyo dhadig, xor iyo addoon, Xilliga ay waajibi in labixiyo waa: laga bilaabo gabbal dhaca maalinta ramadaanka ugu danbeysa illaa qorrax dhaca maalint ciidda, Ruuxii dhaafiya maalinta ciidda waxaa waajib ku ah inuu bixiyo iyadoo qalle ah, wuuna danbaabay ruuxaasi maadaama uu wakhtigeedii dib uga dhigay.  Qaddarka waajibka ah in la bixiyo waa afar (4) mud, oo udhiganta qiyaas ahaan: labo kilo iyo afar boqol oo garam (~2.5 kg) , waxaa banaan in labo maalmood kahor lasii bixiyo zakaatul fidriga (dagara soonka).  Ruuxa ay ku waajibayso waa ruux heli kara quud dheeraad ka ah, wax uu cuno isaga iyo dadka ay korkiisa ku waajibtay nafaqayntooda.  Mana banaana in qiima ahaan (lacag ahaan) lugu bixiyo waa sida ay qabaan culimada badankooda, Dagara soonka waxay kabitaan u tahay wixii nuqsaan ahaa ee soonka soo gaadhay, waxayna nadiifin utahay ruuxii soo soomay, dadka in la siiyo ay waajibka tahay waa: faqiirka, miskiinka, dadka soo uruuriyo zakada ee kushaqa leh, kuwa qalbigooda lasoo dumayo, addoomada xorayntooda xoolo lugu xidhay, kuwa daynta qaba, kuwa diinta difaacaya ee mujaahidiint ah iyo musaafirka . Addilada caddaynaya arimahan aan soo sheegnay waa: Ibnu cumar (r.c)wuxuu yiri: ( فرض رسول الله (صلى الله عليه وسلم) زكاة الفطر، صاعا من تمر أو صاعا من شعير،على العبد والحر، والذكر والأنثى، والصغير Axkaamta Soonka  ‐ 34 ‐  والكبير من المسلمين، وأمر بها أن تؤدى قبل خروج الناس إلى الصلاة) (متفق عليه) ( Rasuulkii Alle (s.c.w) ayaa farad yeelay (waajib ka dhigay) zakaatul fidriga, saac timir ah ama saac shaciir ah, addoonka korkiisa iyo xorka, labka iyo dhadigga, midka yar iyo midka weyn ee muslimiinta kamid ah, wuxuuna faray in labixiyo kohor inta ayna dadka ubixin xagga salaadda (waa: salaadda ciidda) ). Saac, waa: shay wax lugu beego oo udhigma afar mud, marka kilo loo badalana waa: qaddar dhan: labo kilo iyo afar boqol oo garam (~2.5 kg) sidaan kor kusoo sheegnay. Ibnu cabaas (r.c) wuxuu yiri: ( فرض رسول الله (صلى الله عليه وسلم) زكاة الفطر طهرة للصائم من اللغو والرفث، وطعمة للمساكين، فمن أداها قبل الصلاة فهي صدقة مقبولة، ومن أداها بعد الصلاة فهي صدقة من الصدقات) (صحيح، أخرجه: أبوداود، وابن ماجة) ( Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu fardyeelay zakaatul fidriga, iyadoo ruuxii soomanaa nadiifin uga ah (kadaahirinaysa) maalaayacnigii iyo xumantii iyo quudin masaakiinta usugnaatay iyadoo ah, ruuxii gutta (bixiyo) salaadda kahor, waa sadaqo la aqbalay, ruuxiise guttaa salaadda kadib waa sadaqo sadaqooyinka kamid ah ). Ibnu cumar (r.c) wuxuu yiri: ( كانو يعطونها قبل الفطر بيوم أو يومين) ( صحيح، أخرجه: البخاري) ( Waxay ahaan jireen kuwo bixiya (zakatul fidriga) maalin ama laba maalmood afurka kahor (ciidda) ). Allaah wuxuu yiri: ( إنما الصدقات للفقراء والمساكين والعاملين عليها والمؤلفة قلوبهم وفي الرقاب والغارمين وفي سبيل الله وابن السبيل فريضة من الله والله عليم حكيم) (سورة: التوبة، آية: 60( Axkaamta Soonka  ‐ 35 ‐  ( 60. Sadaqada (zakada) waxaa uun mutta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka eebe iyo socdaalka, waana wax eebe faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan ). 18. Ciidul Fidriga ( Ciidda Soonka)  Ciidul fidriga waa maalin farxadeed oo dadka ku faraxsan yihiin sida qiimaha badan ee Alle ugu dhamaystiray soonkii ay bisha barakaysan soomayeen, una xalaaleeyay cuntadii iyo cabbiddii marka hore xaaraamta ka ahayd, waa maalin mudan in labadiyo takbiirta (ALLAAHU AKBARTA) sadaqada, salaanta iyo booqashada, sidookale waa in la is nadiifiyo, labis wanaagsanna lagusoo labisto, waana in banaanka (garoonka ciidda) loo soo bixiyo ciyaalka, dumarka daahirka ah, kuwa aan daahirka ahayn iyo gabdhaha maqabiyadaha ah dhammaantood , si looga faa’iideysto ducada iyo barakada maalinkan uu leeyahay. عن أنس (رضي الله عنه) قال: ( كان رسول الله (صلى الله عليه وسلم) لا يغدو يوم الفطر حتى يأكل تمرات ) (قال الحافظ: أخرجه البخاري معلقا) ( Anas (r.c.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaanjirey: mid aan kallihin maalinta fidriga (ciidul fidriga) ilaa uu cuno timiryaalo ). عن ابن عمر قال: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم: يخرج إلى العيد ماشيا، ويرجع ماشيا) (حسن، أخرجة: ابن ماجة) ( Ibnu cumar (r.c.) wuxuu yiri: Wuxuu ahaan jirey rasuulkii Alle (s.c.w) mid xagga ciidda usoo baxa isagoo lugaynayo, wuxuuna noqon jirey isagoo lugaynaya ). Axkaamta Soonka  ‐ 36 ‐  Ibnu cabaas ( r.c) waxaa laga warinayaa, in uu nabiga (s.c.w) tukaday maalinta ciidda: laba rakcadood oo hortood iyo dabadood uuna Salaad tukanin. (waxaa wariyay bukhaari iyo muslim) عن أم عطية نسيبة الأنصارية (رضي الله عنها) قالت: أمرنا رسول الله صلى الله عليه وسلم: أن نحرج في العيدين العواتق وذوات الخدور، وأمر الحيض أن يعتزلن مصلى المسلمين (متفق عليه، واللفظ لمسلم) ( Ummu cadiyah nusaybah oo ree ansaareed ahayd (r.c) waxay tiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu na amray inaan labada ciidood dhexdooda soo saarno gabdhaha bikaarada ah ee qaangaadhka kudhaw iyo kuwa maqabiyada ah, kuwii xaydka qabayna wuxuu amray inay kadheeraadaan muslimiinta goobtay ku tukanayaan).  Salaadda ciidda way ka duwan tahay salaadaha kale, waxyaabaha ay kaga duwantahayna waxaa kamid ah inay tahay salaad aan aadaan iyo iqaamo midna lahayn. عن ابن عباس (رضي الله عنه) أن النبي (صلى الله عليه وسلم) صلى يوم العيد بلا أذآن ولا إقامة. (أخرجاه مطولا) ( Ibnu cabaas (r.c) waxaa laga warinayaa inuu nabiga (s.c.w) tukaday maalinta ciidda ah, aadaan iyo iqaamo la’aan ). Camar binu shucayb wuxuu aabihii kawarinayaa oo awawgii kasoo warinayaa inuu yidhi: nabigii Alle (s.c.w) wuxuu yidhi: ( التكبير في الفطر سبع في الأولى وخمس في الأخرى، والقراءة بعدهما كلتيهما ) (أخرجه: أبوداود) ( Takbiirta (salaada ciida) fidriga dhexdeeda ah waa: todobo ku jirta (rakcadda) iyo shan midda kale ku jirta, akhrintana dabadood bay ahaatay labadoodaba ). Nucmaan binu bashiir (r.c) waxaa laga warinayaa in rasuulkii ALLE (s.c.w) ahaanjirey mid labada ciidoodba ku dhex akhriya: (سبح السم ربك الأعلى) iyo).هل أتك حديث الغشية) Axkaamta Soonka  ‐ 37 ‐  عن عبيد الله بن عبدالله : أن عمر بن الخطاب رضي الله عنه سأل أبا واقد الليثي: ما كان يقرأ به رسول الله صلى الله عليه وسلم في الأضحى والفطر؟ فقال: كان يقرأ فيهما بـ (ق والقرآن المجيد) و (اقتربت الساعة وانشق القمر). (صحيح، أخرجه: مسلم، والترمذي، والنسائي، وغيرهم) ( Cubaydillaah binu cabdillaah waxaa laga warinayaa: In cumar binu khadaab uu waydiiyay abaa waaqid al-laythi: muxuu rasuulka (s.c.w) ku akhrin jiray (ciidul) adxada iyo (ciidul) fidriga ? wuxuu yiri: wuxuu ku dhex ق )iyo)اقتربت الساعة وانشق القمر) labadooda jiray akhrin .( (والقرآن المجيد  Labada rakcadood ee ciidda waxaa kadanbeeya laba khudbadood, ruuxa wuxuu khiyaar uleeyahay inuu dhagaysto khudbadda ama inuu iska tago waxaana inoo caddaynaya: Cabdullaahi binu saaib (s.c.w) wuxuu yiri: ( Ciid ayaan la xaadiray rasuulka ciiddii ayuu natukiyey, kadib wuxuu yiri: ( قد قضينا الصلاة فمن أحب أن يجلس للخطبة فليفعل ومن أحب أن يذهب فليذهب) (صحيح، أخرجه:ابن ماجة، وأبوداود، والترمذي) ( Dhab ahaan salaaddii waan gudanay, ruuxii jeclaada inuu khudbada ufadhiisto, ha sameeyo, ruuxii jeclaada inuu tagana ha tago ). عن جابر بن عبد الله (رضي الله عنهما) قال: ( كان النبي (صلى الله عليه وسلم) إذا كان يوم عيد خالف الطريق) (صحيح، أخرجه: البخاري) Jaabir binu cabdillaah (r.c) wuxuu yiri: ( Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaan jiray markay maalin ciid ah tahay wadada ayuu is waydaarin jiray ). “macnaha: jidkii uu ka yimid mid aan ahayn ayuu kanoqon jirey”. Axkaamta Soonka  ‐ 38 ‐   Haddii ciidda ay waafaqdo maalin jumce ah, waxaa banaan in midkood lugu gaabsado, sidookale in lawada tukado way banaantahay, arintan waxaa caddaynaya xadiiskan: عن إياس بن أبي رملة الشامي، قال: سمعت رجلا سأل زيد بن أرقم: هل شهدت مع رسول الله (صلى الله عليه وسلم) عيدين في يوم؟ قال: نعم. قال فكيف كان يصنع؟ قال: صلى العيد ثم رخص في الجمعة. ثم قال: ( من شاء أن يصلي فليصل) (صحيح، أخرجه: ابن ماجة،وأبوداود، والنسائي) ( Iyaas binu abii ramlah oo ree shaam ah, wuxuu yiri: Waxaan maqlay nin su’aalaya zayd binu arqam: nabiga (s.c.w) ma la xaadirtay laba ciidood oo (hal) maalin dhexdii ah? wuxuu yiri (zayd): haa. wuxuu yiri (ninkii) sidee ayuu samayn jirey? wuxuu yiri (zayd): ciiddii ayuu tukaday, kadibna jumcadii ayuu rukhseeyey, kadibna wuxuu yiri: ruuxii doona inuu tukado (jumcada), ha tukado ). Hadaba ruuxii aan tukanin jumcada ee ku gaabsada salaadda ciidda wuxuu un tukan salaadda duhur, والله أعلم Axkaamta Soonka  ‐ 39 ‐  19. Gabo-Gabo Iyo Gunaanad Waxaa mahad iskaleh ALLAHA inoo ogolaaday inaan soo gaadhno dhamaystiranka qormadii yarayd ee soonka kusaabsanayd, mahad celinta kadib, walaalayaal Allaah waxaan waydiisanaynaa inuu inaga aqbalo soonka, salaadda, quraan akhriska, soo jeedka (salaatu laylka) iyo dhammaan cibaadada noocyadeeda kal duwan, iyo inuu inaga dhigo kuwo ka faa’iidaysta ramadaanka oo sababtiisa janada ku mutaysta, loogana yeedho maalinta qiyaame albaabka jannada ay dadkii soomijiray oo kaliya ka galaan (Baabu Rayyaan). Wal-wal iyo walbahaar wuxuu usugnaaday ruuxa aan soomin bishan barakaysan isagoo kara ee wanaageeda qaar kamid ah aan horay u soo sheegnay, waxaan xusuusinayaa dadkaas gaftamay: towbadda iyo in ay ALLAAH wayne, usoo noqdaan, sidoo kale waxaa xaaraam ah bisha ramadaan dhexdeeda in cuntada laga ganacsado, loona kariyo dad muslimiin ah oo soonka ku waajibay, ruuxa sidaa yeela Allaah ciqaabtiisa ha iska jiro, sidoo kale ha ogaado xoolihiisa Allaah uma barakayn doono, haddii uuna towbad keenin, lacagta sidaa kusoo gashana waa xaaraam, nabigeenna (s.c.w) wuxuu inoo sheegay in: Jidhkasta oo xaaraam ku baxa (ku kora) ay naar u xaqleedahay ama u haboontahay (in lagaliyo oo ay cunto), Allaah ha ina ilaaliyo adduun iyo aakhiriba, hana inaga dhigo kuwo hadalka dhagaysta kiisa ugu fiicanna raaca, hana inugu daro adoomadiisa uu bishan barakaysan naarta ka xoraynayo, Aamiin yaa ALLAAH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.