Guddoomiye ku Xigeenka arimaha Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alle ayaa kulankiisii ugu horeeyey la qaatay Agaasimayassha qeybta Maamulka iyo Maaliyadda Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiye Ibraahim Dheere ayaa kula dardaarmay Madaxda Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda dowladda Hoose iney sii laban laabaan shaqada ay u hayaan shacabku nool Magaalada Muqdisho.
Dhiniciisa Mudanuhu waxa uu ballan qaaday inuu la shaqeyn doono Madaxda Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda dowladda Hoose ee Xamar, waxa uuna intaa ku daray in hadii ay is kaashadaan ay horumar la taaban karo gaarsiin karaan shacabka Magaalada Muqdsho.