Madaxda Waddamada deeqda bixiya ayaa u balanqaaday Bangiga Adduunka (World Bank) 75 bilyan oo dollar oo lagu caawinayo waddamada saboolka ah ee dhaqaalahoodu uu hooseeyo.
Hogaaminta Sare ee World Bank ayaa ku dhawaaqay heshiiska shir ay ku lahaayeen waddamada xubnaha ka ah bangiga magaalada Yogyakarta ee wadanka Indonisia. Gudoomiyaha Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa ku tilmaamay heshiiskan tallaabo taariikhi ah oo lagu yaraynayo saboolnimada hoosaysa ee meelo badan oo dunida kamid ah saamaysay.
Bangiga Adduunka ayaa filanaya inuu isticmaalo lacagtan $75-da Bilyan ah saddex sano gudahood, iyadoo lagu taageerayo barnaamij laga samaynayo waddamada saboolka ah oo ay ku jiraan caafimaadka, nafaqada iyo tababarka ilaa 10 milyan oo macalimiin ah, kuwaas oo lagu wado inay isbadel iyo horumar u horseedi doonaan wadamada ay kasoo jeedaan.
Waxaa kaloo lagu taageerayaa barnaamijyo biyaha iyo tamarta nadiifka ah kusaabsan. Bangiga ayaa qorshaynaya inuu ku daro lacag dheeraad ah oo uu ku kabo lacagta deeq bixiyayaasha ay bixinayaan, oo ay ku jirto lacag uu ka ammaahanayo bangiga suuqyada lacagaha ee aduunka.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0