Home Afsomali Siyaasiyiin waxgarad iyo odoyaal dhaqameyd cadaado ku shiray ayaa ganafka ku dhuftay...

Siyaasiyiin waxgarad iyo odoyaal dhaqameyd cadaado ku shiray ayaa ganafka ku dhuftay hadal ka soo yeeray Raiisal wasaare Kheyre

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee Cadaado ay si wadajir ah u qaadaceen Gogosha dib u heshiisiinta ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu kaga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareb.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa waxaa uu wax  laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo baxay  R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa ay sheegeen in R/Wasaaraaha Soomaaliya uu ugu baxay heshiis ay la galeen, taasina ay dhibaato kale ay horseedi karto, sida ay hadalka u dhigeen.

Aarintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa kadib markii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, uu xalay musaanada 1-luulyo ka sheegay in gogosha dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay taallo degmada Dhuusamareeb.

“Waxaan ku faraxsanahay, ugana mahadcelinayaa in codsigeyga uu aqbalay Sheekh Shaakir isaga oo ku hadlaya magaciina, sidaasi darteedna aan idiin caddeynayo in gogoshii dib u heshiisiinta ay taalla magaalada Dhuusamareeb”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.