
Shirkii madaxda Somalida ee ka socday Muqdisho sadexdii maalmood ee u danbeeyay ayaa waxaa ka imaanaya warar hoose,kuwaasoo sheegaya in is afagrad la gaaray goor dhawna usoo bixi doono Warmurtiyeedkii shirka.
Hadaba xogaha ay heshay idilnews ayaa sheega in hogaamiyayaasha Somalidu isku afgarteen dhamaan qodobadii ay ku kala aragti duwanaayeen ee shirka dib u dhaca ku keenay.
Qodobada laysku raacay ayaa kala ah sidatan soo socota:-
A.Gudoomiyaha Baarlamaanka fadaraalka iyo ku xigeenadiisa waxaa la dooranayaa 05 January, 2017,
B.Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka waxaa la dooran doonayaa 22 January ,2017.
Sidoo kale waxaa jira Shuruudo adag oo la hordhigay musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha fadaraalka.
Shuruudaaas ayaa kala ah sidatan soo socota:-
A.Waa in musharaxa u tartamaya xilka madaxaweynaha fadaraalka uu bixiyaa 30.000 oo dolar.
B.Waa in musharaxa u tartamaya xilka Madaxweynha fadaralaaka uu haystaa saxiixa 20-xildhibaan.
Dhanka kale arimaha laysku hayay ee hada laga gudbay is afagaradkana laga gaaray ayaa kala ah:-
A.11-Xildhibaan ee Gudiga khilaafaadka ay dib u celiyeen kana dhigeen doorashadoodii waxba kama jiraan,waxay madaxdau isku raaceen in aan la taaban oo sidooda loo daayo go’aanka gudiga khilaafaadkana la laalo.
B.Xildhibaanada Aqalka-sare ee Somaliland ama Gobolada waqooyi waxaa Puntland laga siiyay hal xubin oo loo qoondeeyay Beesha Warsangeli ,sidaa ayaa waxaa kusoo afjarmay murankii ka taagnaa.
Dhanka youtube ka linkiga hoose