
Allaha u naxariiste waxaa goor dhow ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Doha ee dalka Qatar Guddoomiyihi gobolka Banaadir iyo duqii magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Yariisow).
Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey geerida Ing. Yariisow oo ku dhaawacmay qaraxii todobaadkii hore ka dhacay xarunta Maamulka gobolka Banaadir, iyadoo daweyn ahaan loogu qaaday magaalada Doxa.
Wasiirada dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye oo saaka ka soo laabatay magaalada Doxa ayaa goor dhow sheegtay in telefoon loo soo diray loogu xaqiijiyey in Gudoomiye Yariisow uu xijaabtay.
Marxuumka oo jiifay muddo todobaad ah isbitaalka Hamad General Hospital oo ka mid ah Isbitaalada magaalada Doxa, waxaana lagu sameeyey qaliino kala duwan si loo badbaadiyo balse nasiib daro tiisa ayaa gashay.
Geerida Eng. Yariisow ayaa waxaa si weyn uga naxay shacabka magaalada Muqdisho oo uu mudooyinkan ka waday mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo caasimada.