
Warka warbaahinta Madaxa banaan – Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay buux dhaafiyeen qaar ka mid ah Beelaha daga magaalada Muqdisho iyo Siyaasiin doonaya in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdishoislamarkaana hadda ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaarkood laga qabtay CV-yo waxayna la kulmeen masuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala hadleen arintaan.
Warbahin Madaxa banaan ayaa heshay magacyada qaar kamid ah Xubnaha doonaya in ay noqdaan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir kuwaas oo qaarkood rajo wanaagsan ka qaba Xilkaan.
Dadka ay ogaatay warbaahinta madaxabanaan ee doonaya in loo magacaabo Guddoomiayah Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa waxay kala yihiin(1)Yuusuf Cabdi Garre (Yuusuf Jaalle) Agaasimihii hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada oo shaqadiisa ku waayay shaqo joojin uu ku sameeyay Wasiir Oomaar balse ninkaan waxay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulaahi Farmaajo. Yuusuf Jaalle ayaa wajahaya oo kaliya diidmada Kheyre oo ay waligoodba heshiis noqon.(2)
Axmed Washington, oo ah Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa sidoo kale kamid ah Xubnaha Xilkaan raadiyay islamarkaana rajo wanaagsan ka qaba in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo duqa Muqdisho. Washington waxay saaxiibo dhowyihiin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sidoo kale iskuma xuma Madaxweynaa dalka oo waxay is yaqaanaan muddo ku dhow 40 sano ka badan, waana shaqsiga ugu rajada wanaagsan.(3)
Cali Gacal, waa agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya waxa uu ka tirsan shaqsiyaadka rajada ka qaba in loo magacaabo booska Guddoomiye Yariisow. Cali Gacal waxaa in xilkaan loo magacaabo dalbaday beesha uu ka dhintay Eng Yariisow sida ay noo sheegeen Xubno ka tirsan DF-ka Soomaaliya(4).Cumar Qaanso, waa Guddoomiyihii hore ee degmada Wajir ee Gobalka Banaadir waxaa la sheegay in ninkaan sidoo kale ay dalbadeen in xilkaan loo magacaabo beesha uu ka soo jeedo Guddoomiye Yariisow (5)Cumar Dhagey, oo ahaan jiray Guddoomiyaha Guddigii doorashada waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka aadka u dadaalaya islamarkaana hami ka qaba Xilkaan. Beesha uu ka soo jeedo Cumar Dhagey waxay ku cabanayaan in weerarkii Xarunta gobalka ay ku waayeen dadkii ugu badnaa ayna doonayaan in gobalka ay waxka qabtaan.
(6)Salaad Cali Jeelle, oo ah la taliye sare oo katirsan Madaxtooyada Soomaaliya sidoo kalane soo noqday Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga Soomaaliya. Salaad waxa uu katirsan shaqsiyaad raadiyay xilkaan.(7)Cabdi Jiinow, waa Guddoomiyihii hore ee Gobalka Shabeelada dhexe ee Soomaaliya waana saaxiibka ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya waxaana la sheegay in uu ka tirsan yahay Shaqsiyaadka xilkaan raadiyay. Salaad Cali Jeelle iyo Cabdi Jiinow rajo wayn kama qabaan Xilkaan sababtoo ah saami qaybsiga beelaha ayaa waxaa ku imaanaya qalad waxayna leeyihiin Kursiga Wasiirka amniga Soomaaliya oo aan suurta gal aheyn in Xilka laga qaado.waxaa arin la, yaable ah in madaxda Qaran ay aad ubadi goobayaan ex Madaxweyne xassan Sheikh walaalkiis mudane Ali Sheikh Maxamud oo sida ay xogta sheegeyso dhowr jeer loo diray ergo ku qancisa xilkaas in ow qabato laakiin sida xogta sheegeyso ow diiday arinkaana ow socday muddo sagaal bil ah laakiin madaxda ay jeclan lahaayen xiligaan in aay helaan sababtoo ah waxaa jira kacsanan beelaha Muqdisho ee hadal hayn maqaamka Muqdisho siyasada tagan, arimaha abniga oo cakiran, waxaana la aminsan yahay Ali Sheikh in oow xalin karo Wana nin aan ka bixin 40 sano magaalada &Muqdisho oo isbadal dhab ah oo dhinac kasta ah u baahan weliba besha Waceysle oo ku weysay dhacdadii gobolka banadir 7 qof oo aqoon yahana ah walow siyaasiinta qaar ay leeyahiin waxey haystaan wasiirka ganacsiga
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale qaabilay qaar kamid ah beelaha daga Gobalka Banaadir waxaana la sheegayaa in uu qaarkood kala hadlay qorshihisa ku aadan magacaabista Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho.