Home Afsomali Madaxweynaha suudaan oo qaliin wadnaha lagu sameeyey gudaha dalkiisa

Madaxweynaha suudaan oo qaliin wadnaha lagu sameeyey gudaha dalkiisa

Sudanese President Omar al-Bashir greets his supporters during a rally at a fair in Khartoum, Sudan, Saturday May 1, 2010. Bashir won another term in office with a comfortable majority in elections marred by boycotts and fraud allegations, becoming the first head-of-state to be re-elected while facing an international arrest warrant for war crimes.(AP Photo/Abd Raouf)

Madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir, ayaa wadnaha lagaga qalay cusbitaalka wayn ee caasimadda Khartoum.

Hadal kooban oo wakaaladda wararka SUNA baahisay ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo 73 jir ah loo sameeyey qalliin fudud oo xidid kuwa wadnaha ah xinjir lagaga saarayey fiidnimadii Arabacada, qalliin kaas oo lagu sheegay mid fudud oo lagu daweeyo xididada wadnaha ee xidhma.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in isla markiiba madaxweynuhu waajibaadkiisii shaqo ku noqday markii qalliinka loo sameeyey.

Sarkaal dowladda ka tirsan oo ay wakaaladda wararka Reuters la hadashay ayaa sheegay in qalliinku ahaa mid fudud waxaanu intaa ku daray “madaxweynuhu judhiiba wuu ka baxay cusbitaalka”.

Bashir wuxu xukunka ku qabsaday af-gembi sannadkii 1989, ilaa haatanna sidii buu hogaanka u hayaa. Waxa lagu eedeeyaa inuu cabudhiyo mucaaradka iyo warbaahinta arrintaas oo mudaharaaddo aan sidaa u waynayni ka dhasheen sannadihii u dambeeyay.

Al-Bashir waxa sidoo kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay ku eedaysay falal xasuusqa ah, dambiyo dagaal iyo kuwo laga galay aadamenimada, eedahaas oo dhamaantood uu wada beeniyey isaguna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.