Home Afsomali MadaxweynahaJamhuuriyadda Somaliland oo Guddoomiyey Shir ay Isugu Yimaaddeen Guddida Fulinta ee Xisbiga...

MadaxweynahaJamhuuriyadda Somaliland oo Guddoomiyey Shir ay Isugu Yimaaddeen Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoomiyey shir ay isugu yimaaddeen xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen xubnaha kala duwan ee guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa kamid ahaa hawlmaalmeedka shaqo ee guddidaasi xisbiga ugu igman tahay, waxana lagu faaqiday qorsheyaasha xisbiga iyo dhammaystirka hawlaha u yaalla guddi ahaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo warbaahinta uga warbixiyey ujeeddada shirka, ayaa tilmaamay in shirku ku saabsanaa hawlaha xisbiga, waxana uu yidhi,  “Shirkayaguna waxa uu ahaa arrimaha xisbiga iyo sidii loo dardargelin lahaa arrimaha xisbiga, haddii ay doorashooyin inagu soo socda tahay iyo  shirarkii xisbiga tahayba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.