Home Afsomali Idaacaduhu Waa u muhiim bulshada sababa jira owgeed

Idaacaduhu Waa u muhiim bulshada sababa jira owgeed

Ololayaasha Facebook-ga ka socda lagama oga dalka iyo degaannada ay quseeyaan. Badanaa dadka farriinta loo dirayo maba haystaan Internet.

Qof farriintiisa u sammaysanaya xayaysiis, si ay u gaarto kuwa uu codka ka rabo ama uu u talin doono, ayaa dooranaya in farriinta loo gaarsiiyo dad ku nool UK, USA ama Sweden.

Musharrax lacag iyo waqti badan ku bixiyay ololahiisa Facebook ayaa tagaya halkii uu tartanka ka geli lahaa, dadka soo dhaweynaya ama uu codka ka rabo markaas ayay billaabayaan in ay bartaan magaciisa iyo qofka uu yahay.

Si la mid ah, Siyaasiyiinta, dowladda ama dadka kale ee warka sameeya waxa ay xoogga saaraan TV-yada oo la’aantood aan la qaban shir jaraa’id ama xaflad. Soomaalida gudaha joogta oo ah kuwa ay farriintu ku socoto -illeen wax baa loo qabtay ama ayagaaba farriin loo sidaye, badankood ma haystaan TV. Maxaa yeelay TV-gu waa qaali oo cid kasta ma daawan karto.

Kaalinta labaad waxaa ugu jira Website-yada oo si loo helo loo baahan yahay Internet iyo aqoon kale. Raadiyaha oo ah warbaahinta koowaad ee dalka, dadka ay gaari karto iyo in ay raqiis tahay darteedna muhiim loogama arko dalka.

Maxaa u sabab ah arrintaas?

Yuusuf Sh isse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.