Wasaarada Gaashaandhiga soomaliya oo Khatar Galisay Nafta Arday Dalbatay Ciidannimo (Sabab)
Ogeysiis loogu yeerayo Arday Soo codsatay Iney kamid noqdaan ciidamada xooga ayaa lagu baahiyay Boga Facebook ay kuleedahay wasaarada Gaashaandhiga habkaan ayaana ah qaab ciidan cusub aan horey loogu yeerin.
Qatar badan ayaa ka muuqata Habka loogu yeeray Ardayda ku biireysa ciidanka.
1-Goobta : waa halis in meesha Ardaydu ay tagayaan loogu sheego baraha bulshada iyadoo laheli karay in Nambaradooda la waco si qaas ahna loo ogeysiiyo halka balantu tahay madama Formka ay ardaydu ciidanimada ku codsanayeen Nambaradooda ay ku qoreen hadaan laga ilaawin marki hore.
2-Labiska :Qoraalka Boga wasaarada Gaashaandhiga lagu shaaciyay waxa lagu Faray ardayda iney soo qaataan Dharka Sportska ,waana calaamad lagu bartilmaameedsan karo dharkaas cid kastoo xiran maalinimada sabtida .
3-Goorta; halka saac iyo xerada ifisyooni maalinimada Sabtida , waa dhib kale oo baylihin kara ardaydaas masaakiinta ah naftooda mana ahan habkaan nidaam ciidan in la ogaado arday kusoo dhiiratay shaqada ciidanimo in sirtooda si fudud loo helo.
Waxaa ka muuqata qoraalka wasaarada Gaashaandhiga ay ugu yeereyso ardayda dalabatay ciidanimad Khibrad yari ama in dadka wasaarada joogaa ay la falgaleen baraha bulshada oo aysan garaneyn saameynta xog fakato qasaaraha ay dhalin karto.
FG: Fadlan gaarsii Fariintaan Hadaad wax ka Taqaan Ardayda Imtixaanka Ciidanimada Gashay si ay uga Baaqdaan qatar ay wajihi karaan madama ay qaldantahay qaabka loogu yeeray oo ahayd si kaduwan sidaan in loogu waco.
Mahadsanidiin