Home Afsomali Dowlada Somalia oo digniinu dirtay Macalimiinta Jaamacadaha iyo Dugsiyada dalak

Dowlada Somalia oo digniinu dirtay Macalimiinta Jaamacadaha iyo Dugsiyada dalak

Xili Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ay wado dadaalo lagu xoojinayo tayadda aqoonta Waxbarasho ee Jaamacada iyo dugsiyada dalka ku yaala ayay maanta Wasaaradda ku dhawaaqday qorshaheeda cusub ee ku wajahan Bareyaasha Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda XFS Feysal Cumar Guuleed oo ka qayb galayay munaasabad ay ku qalin jabinayeen arday dhameysatay Waxbarashadda heerkeeda 1aad ee Jaamacada ayaa sheegay in Dugsiyada iyo Jaamacadaha dalka aysan wax ka dhigi doonin macalin aan heysan aqoonsiga wasaaradda waxbarashadda marka la gaaro bilowga bisha January sanadka 2020.

Wasiirka ku xigeenka ayaa sidokale sheegay in hadda Wasaaradda ay wado qorshihii lagu diiwaan geli lahaa dhamaan Bareyaasha wax ka dhiga xarumaha waxbarasho ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.