Home Afsomali Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka oo somalia ugu deeqday $26 748 087 Milyan ...

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka oo somalia ugu deeqday $26 748 087 Milyan looguna tala galay ….

Warbixin lagu qorey Defenceweb, ayaa lagu sheegay in  Shirkadda soo saarto Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee lagu magacaabo Navistar la siiyey qandaraas mashruuc ay gaadiidka dagaalka ku geyneyso Soomaaliya .

25 Bishaan November ayaa shirkadda Navistar la siiyey heshiis ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ay ka heshay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, waxaana lagu sheegay heshiiskaas inuu yahay mid qiimihiisu go,an yahay.

Shirkaddaan ayaa lagula heshiiyey inay Ciidanka Soomaaliya usoo saarto laba nooc oo ah gaadiidka ciidamada oo dhex dhexaad ah oo ah kuwa ganacsi ahaan loo soo saaro gaar ahaan noocyada 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck oo wato qalabkii lagu dayactiri lahaa.

Sida heshiiska dhigayo Shirkadaan ayaa laga doonayaa inay gaadiidkaas iyo qalabka dayactirka ay Soomaaliya gaarsiiso sanadkan 2022 laguna wareejiyo Dowladda Soomaaliya.

Gaadiidka la filayo inay shirkadaan Soomaaliya keento ayaa waxaa kamid ah 7000-MV oo ah kuwa qaado xamuulka dhulka ayna isticmaalaan inta badan ciidamada Dowladaha Adduunka.

Gawaaridaan ayaa la sheegay in midkiiba uu qaadi karo culeys

gaarayo ilaa 5 Tan, waxaana xusid mudan inuu leeyahay qol lagu keediyo hubka, waxaana markiiba raaci karo 20 Askari, waxaana sidoo kale kamid ah gawaaridaas kuwa qaadi karo illaa 13 Tan, Askari iyo Kunteenarada sahayda loogu qaado ciidamada.

Gawaaridaas la filayo in Soomaaliya la keeno ayaa waxaa kamid ah mid si weyn u anfici doono Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirto Al-Shabaab, waana Wrecker oo ah Gaari  la tacaali karo miinooyinka jidadka lagu aaso, sidoo kalana ka hor tagi karo gantaalada kala duwan waxayna leeyihiin goob ay isku badbaadin karaan 2 ilaa 3 Askari marka lala helo Qarax, wuxuuna qaadi karaa illaa 36 Tan.

Gaarigaan ayaa waxaa ku xiran qalab Balastic ah oo lagu magacaabo ‘Incrovised Explosive Devise (IED)’ kaasoo qabanayo shaqada ah in la qaboojiyo qaraxyada iyo miinooyinka lala beegsado, wuxuuna ku xiran yahay qeybta dambe ee gaariga.

Mareykanka ayaa Soomaaliya siinayey kaalmo military si ay uga qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, balse waxay joojisay Bishii December 2017 markii Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay ku fashilmeen inay soo gudbiyaan xisaab xirka cuntooyinka iyo Shidaalka la siin jiray Ciidamada balse waxaa dib loo bilaabay Bishii July ee sanadkaan inkastoo aysan aheyn sidii markii hore looga bartay.

Dowladda Mareykanka ayaa adkeysay  joogitaankeeda Militari ee Soomaaliya sanadkii 2006, waxayna saldhigyo ku kala leeyihiin Kismaayo iyo Balidoogle halkaas oo ay ka qaadaan weeraro lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Saldhigga ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya ayaa ah midka Balidoogle, waxaana ku socdo dhismo casri ah iyadoo lagu bixiyey 12 Malyan oo Lacagta mareykanka waxaana la filayaa in la dhameeyo dhammaadka sanadkaan.

 

Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin heshiiskaas Soomaaliya lagu keenayo Gawaarida dagaalka oo casri ah, waxaana xusid mudan haddii ay arrintaas suurta gasho inay ciidamada Dowladda ka caawin doonto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Soomaaliya weli waxaa saaran cunaqabateynta hubka, mana helin ciidamada Dowladda Soomaaliya qalab casri ah tan iyo burburkii Dowladdii Siyaad Barre, waxayna taas keentay inay ciidamada Dowladda ka adkaan waayaan Al-Shabaab oo ka taliyo deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.