Home Afsomali Full VIDEO Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay C/waaxid Axmed...

Full VIDEO Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay C/waaxid Axmed Faarax

https://youtu.be/qw2iDtVL6aA

Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo dhowaan askari kale ku dilay magaalada Dhuusamareeb.

Maxkamada ayaa dhageysatey Dacwad Ciqaabeed loo heystay eedeysane dable Xoogga C/waaxid Axmed faarax oo horay dil uga geystay Allaha u Naxariistee, Saddex Xarigle XDS, Maxamuud Saciid Nuur oo ka tirsanaa ilaalada Taliyaha qeybta 21-aad

Maxkamada oo dhageysatey baarista xafiiska Xeer ilaalinta iyo qiraalka eedeysanaha sidoo kalena dhageysatey Marqaatiyaasha Ku sugnaa Goobta falku ka dhacey ayaa Dambiile C/Waaxid Ahmed Faarax ku Xukuntay Dil Toogasho ah oo Noqonaya Qisaasta Marxuum Sadax Xarigle XDS, Maxamuud Saciid Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.