Home Afsomali Madaxweyne Waare oo tababar u furay askar ka mid noqonaya ciidanka booliska...

Madaxweyne Waare oo tababar u furay askar ka mid noqonaya ciidanka booliska Hirshabelle DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta tababar u furay in ka badan 200 askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska Hirshabelle, kaasi oo lagu qabtay dugsiga tababarka Boliiska.Hirshabelle ee Magaalada Jowhar, waxaana ciidamadani ay noqonayaan dufcadii sedexaad ee Ciidanka Boliiska Hirshabelle.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo labadiisa ku xigeen, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabelle, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Hirshabelle, AMISOM, iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Wasiirka Amniga Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo tababarka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in qorshaha Wasaaradda iyo guud ahaan Hirshabelle uu yahay dib u dhiska ciidanka booliska iyo tababaridooda, si ay u xoojiyaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Sh Cismaan Barre oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada ciidankani uu u leeyahay Hirshabelle iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in ay u qidmeeyaan bulshada ay ciidanka u noqonayaan, waxaana uu kula dar daarmay in si wanaagsan ay ula dhaqmaan shacabka oo ay noqdaan kuwa lagu soo hirto.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo furay tababarka ayaa ugu horeyn ku booriyay ciidamada inay ka faa’iideystaan tababarka la siinayo, oo ay noqdaan kuwa u adeega bulsahda.

“Dhalinyarada tababarkan u soconayo waa inay ogaadaan fahamka saxda ah ee booliska, kan hurda ee jiifa iyo kan iskuulka u dheel manaya iyo kan kale ee soo jeedaya, intabada adiga dartaada ayay ku joogaan, oo ay ku hurdayaan howsha aad bulshada u haysaan” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa Ciidanka ku soo biiraya boliiska Hirshabelle kula dar daarmay in si wanaagsan ay ula dhaqmaan Bulshada maadaama ay yihiin Qalbiga shacabka, saaxiibka bulshada, waxaana uu balanqaaday wax kasta oo suura galinaya in aqoonta xirfada ciidanimo kor loo qaado ay sameyn doonaan wuxuuna u rajeeyay ciidankaasi Guul.

Ciidamadani Tababarka Madaxweyne Waare uu u furay ayaa noqonayaa dufcadii sedexaad ee Ciidanka Boliika Hirshabelle waxaana tababarka ay qaadanayaan uu yahay mid casri ah oo wax badan ku soo kordhin doona aqoontooda ciidanimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.