Qoysas ka soo barakacay daadadka baladweyne dagaalada bey iyo bakool iyo deegaano kale oo dhaca gobolada koofureyd ee dalka ayaa ku dhibaataysan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaas oo maciin biday iyo in ay ka heli doonaan mid ka wanaagsan noloshii dhibka ay ka muteen kagana soo hayaameen guryahoodii iyo gasiinkoodii .
Kaamku yaal deegaanka sarkuusta oo ay dagan yihiin kudhawaad bolol qoys oo dadkaas ka mid ah ayaa bulshada iyo dowlada somaliyeed ugu baaqay in ay gargaar siiyaan
Qoysaskaan ayaa ka kooba haween caruur iyo dad waayeelo ah oo aan qaar kood laheyn wax ubad ah waxaa ayna sheegeen in ay ka aradan yihiin waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah sida hoy musqulo cuno waxbarasho caafimaad ayna dowlada ka sugayaan adeeg bulsho oo dhameystiran
Waxayna ka sheekeeyeen dhibaatadii deegaanadoodii ka soo barakisay iyo nolosha ay haatan ku nool yihiin
Sida muuqatay qoysaskaan ayaa ku sugan cidna uma maqna ceelna uma qodna ee allow ur u bixi