Home Afsomali Ra’iisul WasaareKhayre Oo Booqday Xarunta Gurmadka Degdegga Ah Iyo Isbitaalka Erdoğan SAWIRO

Ra’iisul WasaareKhayre Oo Booqday Xarunta Gurmadka Degdegga Ah Iyo Isbitaalka Erdoğan SAWIRO

https://youtu.be/sfu8FQsqvJc

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gurmadka degdegga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre oo xarunta gurmadka kula kulmay guddiga gurmadka ee maanta uu magacaabay iyo dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, ayaa ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan ee loogu gurmanayo dhibanayaasha, waxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka degdegga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dadaallada gurmadka dhaawacyada, iyadoo dhaawacyada xaaladoodu ay aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel dalka dibaddiisa ah si loo badbaadiyo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

 

331A5894
6Z0A6024

 

6Z0A5999
6Z0A6076
6Z0A6087
6Z0A6121
6Z0A6179
6Z0A6232
6Z0A6212

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.