Home Afsomali C/naasir Axmed Cali Gudoomiyaha Gobolka Bnaadir ee Alshabaab oo shacabka Muqdisho amray...

C/naasir Axmed Cali Gudoomiyaha Gobolka Bnaadir ee Alshabaab oo shacabka Muqdisho amray in ay Canshuurta Bixiyaan dakadana canshuur ka qaataan

Canshuurtii Alshabaab ee Soo gaartay Muqdishu ayaa usii gudubtay Dakada garoonka iyo meelo kale sida lagu odaaday ilo wareedyo xogta nala wadaagay

Warqad ay ku qoran yihiin gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Alshabaab saxiixiisa iyo nambarkiisa oo la soo dhigay baraha bulshulshada ayaa ayaa lagu faahfaahiyey qaabka canshuur aruurinta guryaha Magaalada Muqdisho iyo nambarka lagu shubayo .

waxay canshuuraan badeecdaha kala duwan ee ka soo daga dakada wen ee Magaalada Muqdisho milkiilayaasha guryaha la iibiyo kuwa dhismuhu ku socda iyo midka sanadlaha ah gobolka Banaadir  ,sidoo kale dadka daga maamulada puntland hirshabelle jubbaland iyo koofur galbeyd ayaa u ah canshuur bixiyayaal

Soo Xoogeysiga  Al-Shabaab ayaa soo martey heerar kala duwan, iyadoo bari ay inta badan xukumayeen Koofurta Soomaalia. Marar kala duwan ayaa awoodooda aad loo wiiqey, sidoo kale waxaa weeraro aad loo qorsheeyey lagu diley inta badan madaxdii.

 

Helista dhaqaale ay ku howlgalaan ayaa mararka qaar ku adkeyd, waxaase ay hadda u muuqataa in malaayiin Doolarka Mareykanka ay ka ururiyaan meelo aysan maamul ahaan gacanta ku heyn laakiin ay awood u heleen in saameyntooda ay gaarto, islamarkaana ay lacago canshuur iyo zako ay ugu yeereen ay ka qaadaan.

Gudoomiyaha Maamulka dowlada ee Gobolka banaadir ayaa fagaare ka sheegay in aanal shabaab lacago la siin karin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.