Home Afsomali Wasiirkii Arimaha Dibadda kenya Monica Juma oo xilkii laga xayuubiyey

Wasiirkii Arimaha Dibadda kenya Monica Juma oo xilkii laga xayuubiyey

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku Shaandheyn uu ku sameeyay Golihiisa wasiirada isagoo wasiirada qaar xilalka u kala badalay.

Isku shaandheynta ayaa saameysay wasiiro caan ah oo muddo ka dhex muuqday golaha wasiirada Kenya.

Wasiirkii arrimaha dibadda Monica Juma oo si weyn uga dhex muuqatay kiiska badda ee Somalia iyo Kenya ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Gaashaandhigga halka wasiirkii gaashaadhigga Raychelle Omamo iyana loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda

Madaxweyne Kenyatta ayaa saluugsanaa muddoba qaabka ay Monica Juma u wajaheyso kiiska badda isagoo dhowr mar ku sigtay inuu xilka ka qaado sida ay qoreen warbaahinta kenya qaarkood

Sicily Kariuki oo horay u ahaa wasiirkii caafimaadka ayaa loo magacaabay wasiirka biyaha halka Simon Chelugui oo horay u ahaa wasiirka biyaha loo magacaabay wasiirka shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.