Home Afsomali Ethiopian Airlines oo duulimaad ka bilaabeysa Magaalo 3aad oo Somalia ka tirsan

Ethiopian Airlines oo duulimaad ka bilaabeysa Magaalo 3aad oo Somalia ka tirsan

Puntland ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay duulimaad caalami ah ka bilaabeyso magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Garoomada iyo duulista hawada ee Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebooga ku sheegay in diyaaradaha Ethiopian Arilines ay 3 jeer toddobaadkii ka dagi doonto garoonka Bosaaso.

“Duulimaadka koowaad waxa uu bilaaban doona 03-02-2020, waxa ayna diyaaradu asbuuc kasta ka dagaysa 3 maalmood insha Allah, haddii ay suuq heshana sida Garowe bay duulimaad maalinle ah bilaabi doonta” ayuu yiri Agaasimuhu

Wuxuu intaas ku daray in duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airlines ee Bosaaso ay ku xirnaan doonto hadba sida uu noqdo dalabaadka.

Boosaaso ayaa noqoneysa magaaladii 3aad ee ka tirsan Somalia oo shirkadda Ethiopian Airlines ka bilowdo duulimaad caalami ah, waxayna shirkadan horey duulimaadyo uga bilowday magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.