Dolwadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ballaarinayso liiska waddamada ay ku soo rogtay xayiraadda dhanka socdaalka, waxaana haatan ay xayiraad ku soo rogtay waddamo lix ah, waxaana ka mid ah dalka Nigeria oo ah waddanka ugu dadka badan qaaradda Afrika.
Muwaadiniinta waddamada Nigeria, Eritrea, Sudan, Tanzania, Kyrgyzstan iyo Myanmar ayaa wixii haatan ka dambeeyo aan loo ogolaan doonin dal-ku-galka ama fiisaha qaar ee dalkaasi Mareykanka.
Haseyeeshee dadka u dhashay waddamadaasi ayaa wali booqan karaya dalka Mareykanka, waxaana loo ogol yahay in ay dalxiis ahaan ku tagaan gudaha Mareykanka.
Sanadkii 2018 ayaa dowladda Mareykanka waxay deganaasho siisay laba laab tiro ka badan marka la isku daro dadka shanta waddan ee kale ee haatan xayiraadda lagu soo rogay.
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in tallaabadani la qaaday ka dib markii lixdani waddan ay ku guul dareysteen in ay gaaraan heerka ammaanka iyo xog wadaagga ee Mareykanka.
“Waddamadani ayaa inta badan doonaya in la caawiyo, balse siyaabo kala geddisan awgood, waxay ku guul dareysteen in ay ka soo baxaan shuruudaha dhanka amniga iyo wadaagga xogta ee u degsan Mareykanka,” ayuu yiri ku simaha xoghayaha arrimaha amniga gudaha ee Mareykanka.
Chad Wolf ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ay waddamadani kala shaqeyn doonaan sidii sugidda amnigooda ay u gaarsiin lahaayeen heerka uu Mareykanka rabo si buu yiri looga qaado xayiraaddaasi.
Madaxweyne Trump ayaa markii ugu horreysay sanadkii 2017 waxa uu xayiraado dhanka socdaalka ah ku soo rogay muwaadiniinta dhawr waddan oo u badan Muslimiin oo Soomaaliya ay ku jiro.