Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo adis kula Kulmay Dhigiisa Biixi

Madaxweyne Farmaajo oo adis kula Kulmay Dhigiisa Biixi

Cidii Madaxda Dowlada salaanta waakii xiri jiraye isagu ha is xiro haatan

Muuse Biixi  wuxuu dhaar iyo cay hawada u soo mariyaba caawa ayuu Farmaajo lajoogaab. Haka dhaqaalaysan ayaan leenahay ee ku hirgis wixii aad idaacadaha kasii day jirtay

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay kulan fool ka fool ah ku yeeshay Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helay madaxtooyada Somalia.

Kulankan ayaa waxaa ka shaqeeyey RW Itoobiya Abiy Ahmed, waxayna wararku sheegayaan in Farmaajo iyo Muuse Biixi uu kulankoodu qaatay muddo saacad ku dhow.

Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo natiijada ka soo baxday kulankan, mana jiro war labada dhinac ay ka soo saareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Addis ababa u tagay ka qeyb galka shir madaxeedka Midowga afrika ee shalay halkaas ka furmay, iyadoo Madaxweyne Biixina uu halkaas gaaray si uu kulamo ula yeesho madaxda Itoobiya, mana cadda in kulankooda uu horey u qorsheynaa iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.