Home Afsomali Dacwad laga gudbiyey Howlwadeeno safaarad oo Sabab u Noqotay in Muqdisho looga...

Dacwad laga gudbiyey Howlwadeeno safaarad oo Sabab u Noqotay in Muqdisho looga wada yeero

Qoraal kasoo baxay Wasiirka arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu amray in afar maalin gudahood magaalada Muqdisho ku yimaado safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cuman Danjire Cabdiwali Cali Axmed.

Sida ku cad qoraalka Wasiirka arimaha dibadda Safiirka ayaa waxaa dacwado kasoo gudbiyay diblumaasiyiinta kale ee safaarada ka shaqeeya, waxaana mudooyinkii dabme la sheegay in uu khilaaf ka jiray gudaha Safaarada.

Wasiir Cawad ayaa ku amray safiirka dalka Cuman u jooga Soomaaliya in mudo afar maalin gudahooda ku yimaado magaalada Muqdisho si xal looga gaaro dacwadaha laga soo gudbiyay iyo khilaafka kala dhaxeeya diblumaasiyiinta kale ee safaarada.

Halkan ka akhriso Qoraalka Wasiir Cawad ugu yeeray Danjiraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.