Home Afsomali Dilka Bajaajlihii 2aad oo Muqdisho ka hdacay 24 saac gudahooda

Dilka Bajaajlihii 2aad oo Muqdisho ka hdacay 24 saac gudahooda

Darawalkii labaad ee wade ka ahaa Mooto Bajaaj ayaa lagu diley 24 Saac Gudahood Magaalada Muqdisho,iyada oo dilalkaas ay ka dambeeyeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomalaiya gaar ahaan kuwa ka howlgalla degmada Yaaqshiid ayaa waxaa Darawal Mooto Bajaaj waxaa ay xalay ku dileen Xaafada Ceel Tubaweyne,xilli halkaasi ay ka socdeen howlo nadaafadeed.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in askarta ay mootada raaas ku fureen,isla markaana rasaastaas uu ku geeriyoodey darawalkii Mootada oo lagu Magacaabi jiray Bashiir Muqtaar Cadoow.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in wadaha Bajaajta uu soo gaarey dhaawac culus oo uu markii dambe u geeriyoodey,waxaana goobta ka baxsadey askartii mootada rasaasta ku furtay oo laba ahaa.

Si kastaba shalay Subaxdii ayay aheyd markii Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan uu Nin watay Gaari yar oo nooca raaxada ah uu diley wade Mooto Bajaaj xilli ay ku murmeen marista wadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.